Xildhibaano Ka Digay Xaalada Shubanbiyood Ka Dilaacay Daroor Iyo Deegaano Ku Teedsan Xuduuda

0
546

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin iyo Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa xukuumada iyo wasaarada caafimaadka ee Somaliland u soo jeediyay inay ka hawlgalaan sidii taakulo looga gaysan lahaa shuban  biyood ka dilaacay deegaanada kilidhka shanaad ee Itoobiya oo ay degaan dad asal ahaan Somaliland ka soo jeeda.

Waxa ay xildhibaanadani ku baaqeen in loo baahan yahay in Itoobiya lagala shaqeeyo sidii dadkaas daawayn iyo xakamaynba loogu fidin lahaa, waxay sidan ku sheegeen xildhibaanadani mar ay u waramayeen shabakada Hadhwanaag. waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay xildhibaan  Cabdiraxmaan Cismaan Caalin “Xadka waanu ka talownay oo Itoobiya ayaan u talownay deegaamo ka mid ah degamada Daroor ayaanu gaadhnay,runtii dhimasho badan ayaa ka jirta imika waxa laysheegayaa in degmada Daroor ay dhimashadu marayso sideetameeyo hadaanay ka badnayan, degmooyinka galbeedka xigana dhimasho badan ayaa laga soo sheegayaa, barigana Buuhoodle war ayaa laga soo sheegayaa, shuban biyoodku waxa uu ka mid yahay xanuunada degdega u faafa, waliba biyo dhaan ayaa jira oo goobaha lagu dhimanaayo biyo dhaan ayaa ka jira, booyaduna intaas oo goor ayay gashaa oo ay ka baxdaa, fiditaankiisana gaadiidkaas ayaa qayb ka ah, hadaanay talaabooyin degdeg ah wasaarada caafimaadku aanay samayn, waxa dhici karta in goordhawo gacanta lagu qaban kari waayo, xukuumada Somaliland iyo wasaarada caafimaadkaba waxaanu doonaynaa in ay Itoobiya arintaas sidii looga wadashaqayn lahaa ay kala sameeyaan xidhiidh, hadii goordhow tuulo walba laga soo sheego xanuunka waxba laga qaban karimaayo.” 

 Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan) ayaa isaguna dhankiisa xukuumada ku dhaliilay in aanay dadkeeda u diirnaxayn "Kilidhka shanaad Wardheer iyo aageeda ilaa todobaboqol oo qof ayaa yaalay cisbitaalka gaadhiguna waa uu dhigayay, inta u dhowna waa lamid, xageena Ceelbaxay ilaa Daroor marka aad u soo kacdo sagaalboqol oo qof waa ay marayaan imika, wax Somaliland ah oo hadalhaya oo cunto, biyo iyo daawo gaynayaa oo dadkasi inay ka tirsanyihiinmoodayaa ma jiraan, madaxweynaha maanta jooga iyo xukuumadiidu wadada galbeedkana waxbay ka saarayaan ta Burcana waxbay ka saarayaan ee hawdka waxba ka saarimaayaan."

maalmihii ugu danbeeyay waxa soo badanaaya baaqyada ku saabsan shuban biyood ka dilaacay deegaanada ay Soomaalidu degto ee Itoobiya iyo meelo ka mid ah dhulka Somaliland.