Xildhibaano Iyo Xisbiga Waddani Oo Soo Saaray Baaq Qaylo-dhaan Abaareed

0
544

11Hargeysa(Geeska) :-Mas’uuliyiinta sar sare ee xisbiga Waddani iyo qaar ka mid ah xildhibaannada goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida ee ka soo jeeda goballada galbeedka, ayaa xukuumadda, ganacsatada, qurba-joogta Somaliland iyo beesha caalamkaba u direy baaq qaylo-dhaan abaareed ah oo ka jirta deegaanada goballada Galbeedka Somaliland xili aanay muddooyinkii danbe ku da’in raxmaadkii Eebe oo dib u dhacay, iyaga oo sheegay in ay abaarahaasi waxyeeleen dad iyo duunyaba una soo jeedinayaan xukuumadda iyo dhammaanba shacabka Somaliland in si deg-dag ah ugu gurmadaan siddii loo wax loogu tari lahaa dadka ay heleeleen abaarahaasi.

Mas’uuliyiinta Waddani iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa hadaladan ka kala sheegay shirar jaraa’id oo ay si gooni gooni ah ugu kala qabteen xarumahooda, waxaana ay sheegeen in abaartani ay tahay tii abid ugu darnayd ee ku dhacda deeganadaasi.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Md.Maxamed Cabdillaahi (Uurcadde), ayaa oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay xukuumaddu ka mashquushay siddii ay u caawin lahayd dadka ay abaarahu saameeyeen, waxaana uu ugu baaqay in ay si deg-dag ah uga hawl-gasho siddii loo wax looga gaysan lahaa dadka ay abaarahu haleeleen. “Baryahan danbe oo dhan waxaa jiray goballada waqooyi galbeed ee Maroodi-jeex, Gobalka Saaxil ama galbeedka oo dhan marka la gaadho ilaa Boorama marka laga soo billaabo Berbera ilaa Saylac ay hayso abaaro aad iyo aad u ballaadhan oo saameeyey dad iyo duunyaba ayuu dadkaasi ku jiraa, maanan maqal mana jirto dawladu wax dhaqdhaqaaq ah oo ay ka samaysay, haddii ay biyo tahay iyo haddii ay cunto tahayba iyo haddii ay taakulayn shacabka loo fidiyo intaba ay tahay, waxaanu ugu baaqaynaa ganacsatada iyo beesha caalamkuba iyo xukuumadda maanta jirtay haddii ay indhaheedu wax arkayan, dhagahoodu ay wax maqlayaan ama ay dareen wadaninimo ay leeyihiin aan ugu baaqaynaa in ay u gurmadaan afartaas gobal oo ay si dhakhso ah ugu gurmadaan, waxaana aanu jecelnahay in gurmad deg-dag ah loo fidiyo abaarahaas, biyo la’aantaa, daaq la’aantaa iyo dadkiiba wax ay cunaan la’yihiin oo ay dadkiina le’ anayaan, duunyaddiina ay dhammaatay.”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde. Xildhibaan Cabdi Gaagaale oo ka mid ahaa mudaneyaasha aqalka Wakiilada ee isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa waxaa uu isna baaq u diray xukuumadda, beesha caalamka, ganacsatada iyo qurba-joogta Somaliland, waxaana uu ka codsaday in ay si deg-dag ah ay gacan uga soo gaystaan dadkaa abaarahu haleeleen.

“Beyahanba waad la socotaan xaaladda ka jirta goballada galbeedka, waxaa ka dhacday abaar aan weligedba ka dhicin ayaa ka dhacday, wax gurmad ah oo ilaa hada loo fidiyeyna ma jirto, haddii ay bulshada caalamka tahay iyo haddii ay xag dawladeed tahayba iyo haddii ay xag shicibba ay tahay iyo xag duunyo iyada oo aanay weli ka helin beesha caalamka tahay iyo haddii ay xag dawladeedba tahay iyo weliba xag shicibba. Waxaan codsanaynaa in dawladu samayso gurmad deg-dag ah, baayac mushtariga dadka haystaana waa dadkoodii dadka bakhtiyeyaane ay u gurmadaan oo deg-dag ugu gurmadaan kuwa qurba-jooga ahina ay dadkooda soo caawiyaan, maanta abaarahii hore ee la arki jiray maaha, galbeedkana abaaro kuma aysan dhici jirin, waa tii ugu xumayd maanta, waxaana aan Illaahay ka beryeynaa isaga ayaa gacantiisa lagu dhergaaye uu raxmaadkiisa soo waraabiyo.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Gaagaale.