Xildhibaano Iyo Madax Dhaqameedka Awdal Oo Si Adag U Beeniyay Hubkii Ramaax Soo Bandhigay

0
664

Picture2Boorama(Geeska):-Qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka, salaadiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobalka Awdal, ayaa beeniyey hub dhawaan badhasaabka gobalkaasi uu soo bandhigay, kuwaasi oo uu sheegay in uu ahaa hub argagaxiso oo ay soo qabteen, waxaana ay sheegeen in hubkaasi aanu ahayn hub argagixiso ah balse uu ahaa hubkaasi ahaa hadhaagii ka soo hadhay dawladii kaligii taliska ahayd ee Siyaad Barre, iyaga oo sida oo kalena sheegay in hubkaas ay oggaayeen guddoomiyeyaashii hore u soo maray gobalka, balse guddoomiye Ramaax si khaldan wax loogu sheegay.

Madax-dhaqameedkan iyo xildhibaanadan, ayaa hadalkan ka sheegay shirar-jaraa’id oo ay si gooni gooni ah ugu qabteen magaalada Boorama, waxaana ay sida oo kale sheegeen in ay xukuumadda ka codsadeen in ay raali galin ka bixiso arrintan balse ka gaabsatay, iyaga oo sida oo kalena tilmaamay in ay beeninayaan in aanay jirin wax cid ah oo loo qabtay. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Halkan waxaan u soo fadhiisanay arrin maalin dhawayd saxaafada ka baxday oo ka hadlaysay qeybta nabad galyada oo degmada Bakina dul saarnayd oo bishan Sideedii ku beegnayd, arrintaasi waxaa ay ku saabsanayd xagga nabad galyada, waxaa badhasaabka gobalka Awdal Ramaax uu Iclaamiyey in hub nabad galyada jaararka iyo gudahaba khatar u ah in la qabtay, si fadiisuna uu sifadii argagaxisada leeyahay ayaa uu halkaas ka sheegay, waxa weeyey maalintaas illaa maanta waxaa aan ku jirnay dabo gal, waxaanu baadhaynay halka ay wax ka yimaadeen iyo sida ay ahayd, waxaan guntii soo oggaanay ama aanu gunteed gaadhnay hawshaas iyada ah ee saxaafada ka baxday cidii dhigtay iyo halkay taalay iyo cidii lahayd ayaan soo oggaanay, waxaanu filaynay in maadaama arrintu arrintii la sheegay ay noqon weyday oo aanu xukuumadda ku balan sanayn in ay iyadu afkeeda ku beeniso in arrintaasi aanay sidii loo dhigay ahayn ee warka la sheegay iyo cida maamulka u sheegtayba ay ahayd wax si qalad ah loogu keenay. Arrintaas haddii aan hoos u dhaadhaco degmada Baki ayaa ay taalay, guri dawladu leedahay ayaa ay taalay, xafiis maamul ayaa ay taalay waxaan gurigaas iska lahayd maxkamada degmada Baki, makhsinka ay taalay dawlada ayaa lahayd, xukuumadduna waa ay oggayd kolba cidii xil haysay illaa wakhti hore waa ay soo oggayd, allaabta meesha laga qaaday, Allaab ay xukuumadda iyo cida ku xaq lahiba ay ogtahay ayaa ay ahayd, maamul hore iyo maamul danbeba ay ogyihiin ayaa ay ahayd, maamulkana arrin cusub ayaa looga dhigay, se in ay iska hubiyaan ayaa ay ahayd, arrintaasi waxaa noo cadaatay in ay ku jiraan oo bahalan la leeyahay waxbaa ku jiray daasado qarxaaya, waxay ahaayeen kuwii ciida lagu kobcinaayey oo maamulahii beeraha degmada Baki ayaaba gacanta ku hayey, waxaan leenahay arrintaas iyada ahi arrin aan la hubsan ayey ahayd, masuuliyiintana waxaan ugu baaqaynaa in ay iska hubiso waxa ay sheegayso.".

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna sida oo kale halkaas ka hadlay, ayaa insa dhankiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay hubkan, waxaana uu tilmaamay in hubkan uu ahaa mid waligiiba yaalay guriga martida ee degmada Baki.

"Shirkan u jeedadiisu waxaa ay tahay in aanu ku beenino dhacdadii maalintii dhaweyd warbaahinta la mariyey ee ku saabsanayd hubkii la sheegay in laga helay degmada Baki, arrinkaasi run ahaantii waa arrin been abuur ah, hubkaas la sheegayna waa hubkii hadhaaga ahaa ee dawladii Siyaad Barre, meel walbana waa uu yaala, hubkaas waa la oggaa oo waliba ciidamada qaranka ayaa ogaa oo guddoomiyeyaashii iska dhaxlay degmada Baki, ayaa ogaa, meelbaa lagu ogaa, tiraba tiraba dhowr jeer ayaa aqal laga raray oo meel kale la geeyey, qeyb ka mid ah hubkaas oo baaruudii ah oo markii aqalkii hore ee uu yaalay dumay, ayaa laga raray, intii kale ee guriga ee biyahu galeen hay'adda Miino baadhista ayaa qarxisay, wax la oggaana waa ay ahayd. Markaa waxaan aad iyo aad uga xunahay arrinkii sidaas ahaa ee laga wada warhayey in maanta duulaan inta la qaado oo Shan iyo Toban baabuur lays dabo dhigo sidii oo wax argagaxisadii oo kale ah la soo qabanaayo, Allaabtii inta la galay aqalkii la jabiyo inta la soo gurtayna la yidhaahdo argagaxiso ayaa soo gashay magaalada, aad iyo aad ayaan uga xunahay, waliba iyada oo aan cidna loo hayn la sheegay in cidna loo hayo, dad kalena la dabo socdo, waxaas oo dhan annagu waxaan u aragnaa in ay tahay been abuur cad.".Ayuu yidhi Ibraahim Jamac Samatar.

Xildhibaan Abiibakar Cabdi Good oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Wakiilada oo isna arrintaasi ka hadlay, ayaa faah faahin ka biyey hubkan iyo waxa uu ahaa."Arrinkan maalintii dhawayd uu ka hadlay badhasaabku ee hubkii laga soo qaaday degmada Baki, marka hore waxaan idiin sheegayaa in hubkaasi uu ahaa mid yaalay degmada Baki, gaar ahaan hubkaas ay dawladii hore ee burburtay ee Somaliya, waxaan gaar u lahaa ciidmadii guul wade-yaasha ciidankii la odhan jiray, xeradooda ayuu ooli jiray, gurigooda ay galayaan ayaa uu ooli jiray, ka bacdii markii ay dawladaasi burburtay, halkaas ayaan uu ooli jiray, waliba guri dhexdiis ayaa lagu xereeyey, kadibna gurigii ayaa dumay, markii uu dumayna waa laga qaaday, waa laga raray, hubkiina waxaa uu u qeybsamay qeyb qoyday sida qeybahii budada ahaa iyo waxyaalahii kale ee hubabkaas hoobiyaha ah ee marka la samaynaayo waxaas loo isticmaalo, qeyb badan aya qoyday, halka qeybna ay engagsanayd, qeybtii qoyanaydna hay'ada Miino baadhista ayaa loogu yeedhay oo qarxisay, intii kale ee fayoobayd, waxaa lageeyey gurigii Martida halkaas ayaan ay ooli jireen, waxani maaha wax argagaxiso ah, agagaxisdu guriga dawlada wax ma dhigato, waxaanan aan idiin sheegayaa in aanay jirin wax raad argagaxiso oo meeshaas wax ku soo qarsaday, waxaasina waxay ahaayeen wax si khaldan u baxay ahaa war si xun loo faafiyey oo laga dhigay wax imika meesha wax lagu urursanaayo, badhasaabkana si khaldan loogu sheegay.".Ayuu yidhi Abiibakar Cabdi Good.