Xildhibaano Golaha Guurtida Uga Digay Muddo Kordhin Siyaasi Ah

0
580

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan SIciid Cilmi Rooble  iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani  ayaa Golaha Guurtida ugu baaqay in aanay faraha la soo gelin hawlaha Doorashooyinka, iyaga oo ka digay muddo kordhin la sheegay inay wadaan.

Labadan Xildhibaan oo Shalay qaar ka mid ah Warbaahinta u waramay ayaa  ugu horeyn Xildhibaan SIciid Cilmi Rooble Xukuumadda ku dhaliilay warar laga baahiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, oo sheegaya inuu la kulmay Madaxweynaha Somaliya. Isagoo ka hadlaya arrimaha doorashooyinka wuxuu yidhi   “Hawsha Doorashada cida keliya ee u xil saarani waa Komishanka, cid alaale cid kale oo hawshaas shaqo ku leh macal Madaxweyne, macal Guurti macal Wakiilo oo awoodaas leh oo ka hadli kartaa ma jirto, iyaga ayaa ku shaqo leh oo cayimaaya wakhtiga, Diiwaangelinta iyo Doorashada labadaba, Madaxweynuhuna Digreeyto uu ku soo saaro, aniguna waxa aan qabaa in Nimankaasi ay waajibkoodii ka soo baxeen, Guurtiduna iyada oo aanay balaayo jirin, aanay aafo jirin, haddana wey  caadaysteen oo dhaqan ayeynu ka dhiganay in Guurtidu wax kordhiso, waajibka Guurtiduna waa inay raacdo Komishanku wakhtigaas uu cayimay, waa loo daaya cida xilka leh, Guurtiduna wey garanaysaa cida xilkaas leh, ”

Xildhibaan SIciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey wakhtiga ay Guurtidu iyo Wakiiladu xilka hayeen ayaa yidhi “Guurtidu 23-sanno ayey marayaan, anaguna Toban Sanno ayaanu fadhinay, haakah iyo siyaadaba waanu nidhi, waxaan qaba Bisinka ha loo qabto irsiq lama waayayo, haddii Sannnad la kordhiyo Guurtidu Sannad ayey naga dambeeyaan,  waxaas oo dhan Xeer ma sheegayo laakiin waa la caadaystay, waxa aan filayaa inay labadaas Sanno iska imaansadaan, anagana Sannaadkaasi nagu filan ayey ila tahay, In Doorasho la qabto, oo dalkan Doorasho ka dhacdo, ayaanu rajaynaynaa”

Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey eeddo loo soo jeediyey Cabdiraxmaan Cirro  ayaa yidhi “Dawladdi marka ay dhacayso, ee Xadhkii u go’aan waxa ay ku meeraysataa dacaayad, Dawladdaha Afrika ah, ee keligii talinimada ku talaxa taga, marka ay dhacayaan ee la hayo wey sii maroora dilaaacaan, arimahaas imika la hadal hayo ee la leeyahay Cabdiraxmaan Cirro waa dacaayado faashil ah, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ayaana ka dambeeya, waa wax faashil ah oo umadda ILLAAHAY oo dhami arkayso, waxa aan leeyahay muddo dheer ayaad soo joogteen shalay weynu wada joognay, Kulmiye ayeynu wada ahayn, Xukuumaddii Daahir Rayaale wey ka xishoon jirtay waxan oo kale sidii uu idinku wareejiyeyna waa la wada joogay karaamadeeda iyo sharafteeda, waa la idinka badinayaa, waanan hubaa, waa la idinka adkaanaya waanan hubaa khal-khalka ha la iska daayo oo yaan la sii rafanin, dhibaatada ha la joojiyo.

Waxa la hubaa in dalkii la wada iibsaday, in hantidii la wada iibsaday, in Mususuqmaasuqii xad dhaaf noqday in aan Umadda loo tudhayn, ee laga shaqaysanayo, in imika Dekadii keliya ee ku hadhay dalka la doonayo in la faasaxo, waxyabahaas iyaga oo sameeynaya ayey doonayaan inay cid kale waxa ka sheegaan, Umaddu iyaga ayey imika eegaysaa, Cabdiraxmaan aynu cambaarayno waxa kale maaha ee Umadda ayey doonayaan inay jiho kale u jiheeyaan, diirada ayaa la idinku hayaa Dekadaas lama faasixi karo, qaran iyo shacabka wey u soo jeedaan, idinkuna waad dhacaysaan oo waa la og yahay.

Talo ayaa la isku raacay anagu Wadanka waanu u tudhaynaa oo wax ayaanu ku leenahay, waxa ay Komishanku isku raacay, ee XIsbiyadu isku raacay, anagu in aanu aqbalno waanu ku qasbanahay, komishan ayaa waxa inoo jeexay, Saddexdii XIsbi wey aqbaleen, muddo xileedka Xukuumadda iyo muddo xileedka Barlamaanku wey wada socdaan, wixii la isku raaco ee Qaranku isku raaco waxba kama qabno,  Madaxweynaha waa la weydiiyey oo uu aqbalay, Kulmiyena uu aqbalay, inkasta oo uu laba codleeyey Maxamed Kaahin, UCIDna sidaas si leeg, Waddanina sidaas si leeg, Qaranku waxa uu heshiis ku yahay anagu dhaafi mayno”

Dhinaca kale Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa isna ka hadlay muddo xilka uga hadhay Xukuumaddan oo ku eeg 26-june, Doorashada dib u dhacday iyo waxa laga yeelayo Xukuumadda,  “Sida lala socda horeba Labada Xisbi Mucaarad iyo Madasha iyo dadka reer Somaliland waxa ay ogaayeen kuna warhayeen in 26-june ee Sannadkan ay kaga dhammaanayso xilka Xukuumaddan taladda haysa, anaguna ma lihin dawladda ha la baabiyo, ma lihin dawlad la’aan ha la ahaado, ma lihin ha la is dhex yaaco”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey Dawlad ku meel gaadh ah oo la sameeyo marka la gaadho 26-june ayaa yidhi “Komishanku muddadan uu kordhiyey farsamo ahaan ayey ku timid,balse waxa aanu taaganahay haddii aanu nahay Xisbiyada Mucaaradka iyo umadda reer Somaliland, Xukuumaddu Miiska ha soo fadhiisato,  Xisbul xaakimku Miiska ha soo fadhiisto oo laga wada xaalo Sannadkaas sidee  ayaa dalka loo maamulayaa, sidee ayey dalka Doorasho uga dhici kartaa, dawladda maamulaysaa markaas xeerkeedu sidee ayuu noqonayaa, marka la gaadho 26-june dawlad sharciya oo dadku soo doorteen meesha ma fadhido, Xukuumaddan shan Sanno ayaa la dhaariyey oo la doortay, waligood inay dalka sii maamulaan looma dhaarin”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa mar uu ka hadlaayey mawqifka Xisbiyada Mucaaradka waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay Xisbiyada Mucaaradka waxa aanu taaganahay in inta aan la gaadhin 26-june, Xukuumadda iyo Xisbul Xaakimku Miiska ha soo fadhiistaan, oo ha laga wada hadlo Sannadkaas kordhaya qaabkee ayaa dalka loo xukumayaa, awoodaha cida xukumaysa inta ayey leekaanaysa, ilaa xadka ayey shaqayn karaan, ma wax kooban oo ku eeg bixinta Mushaharaadka iyo ururinta Cashuuraha ayey noqonaysaa, ma waxa ay noqonaysa wax heshiisyo la geli karta Dawladdaha Caalamiga ah, waxa aanu anagu leenahay wada hadal ha laga yeesho oo Miiska ha soo fadhiistaan, maaha in la yidhaahdo Sannad ayaa la kordhiyey waana iska sii wadanayaa, markaas waxa meesha taala yaa dalka  loo dhaariyey, cidii loo dhaariyey meeday, waxaana anagu doonaynaa in talo qaran laga gaadho sida dalka loo maamulayo Sannadkaas, ay Komishanku sheegeen in aan Doorasho lagu qaban karin”

XIldhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey Guurtida waxa uu yidhi “Arintan ay Komishanku sameeyeen farsamo ayey ku timid, ay yidhaahdeen Doorashadii Madaxweynaha iyo Barlamaanka kuma qaban karno wakhtigan, balse Sannadkaas ayaanu ku qaban karnaa, madaama ay arintu sidaas tahay Golaha Guurtidina ka fili mayno waxaas wax ka duwan inuu ka soo baxo, waxaana leeyahay ku eekada waxa ay isla garteen Komishanka Qaranka, Xisbiyada iyo Xukuumaddu”