Xildhibaano Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Hadalka Wasiiru Dawlaha Imaaraadka

39
4327

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, iyo Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Daabiciga Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa siyaabo kaal duwan uga hadlay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaradka, ee ahaa in heshiiska Dekadda uu Xasan Sheekh qayb ka ahaa.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, iyo Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Daabiciga Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Siciid Gaane oo arintan ka hadlay ayaa yidhi “Anigu Xildhibaan ahaan arintan hore ayaan u sii sheegay, horena waan uga digay in Dekadda Berbera, aanay ka bixin gacanta Dawladda, laakiin waa taas oo waxaan ka sii digayey dhaceen, sidaan hore u idhi wax wey u dhaceen, Kulmiyihii taladda dalka u kala dambeeyey ayaa looga fadhiyaa inay si cad u soo bandhigaan waxa jira, markii horena khalad bay ahaydba in Somaliya wada hadal lala bilaabo, markaas wax walba waxa inagaga daran dhibta iyo hagardaamada ay Xukuumaddii hore umadda u geysatay, maxaa yeelay Dawladdii Daahir Rayaale Somaliya isku jiho maynu ahayn, oo arimaheena sinaba umay soo gali jirin, laakiin Dawladdii Axmed Siillaanyo waxay horseeday in qiimaha iyo meeqaamka Somaliland hoos u dhaco, Hawadeeniina lala wareego, oo Somaliyana aad inoogu soo deg degto”.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isaguna aragtidiisa arintan ku saabsan ka hadlaya ayaa yidhi “Adduunyada waxaanu u sheegaynaa inay Somaliya doonayso inay na qabsato, haddii aynaan inagu arinsan, oo mustaqbalkeena ka arinsan ayey Somaliya doonaysaa, laakiin haba yaraate waxay inaga qaadi kartaa ma jirto, heshiiskan la yidhi Xasan Sheekh baa saxeexay, hore wuxuu u yidhi waa la I bahdilay, oo arinkan la ilama socodsiin, oo isaga ayaa caddeeyey in aan lagala hadal, taasna waxba kama jiraan, inaguun baa la inagala hadlay, haddii ay Somaliya heshiiska Dekadda Berbera gashay, maanta may qayliyeen, ee dadka yaan waxaas lagaga dhaadhicin, inaga ayaa la inagala hadlay, inaga ayaa xaq u leh in dalkeena aynu u arimino, arintan kale ee Wasiirul Dawluhu ka hadlay ee ah Somaliland ma aqoonsanin waa arin iska diblasaamiyad ah, ee waxaasi yaanay inaga xanaajin, beri ka maalin bay dalkeena keenayaan Safaarad, oo weynu kala faa’iidaysaynaa, oo xidhiidh cusub baa inoo bilaabamay, ee wax walba aynu cagta u dhigno”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here