Xildhibaanno KULMIYE Iyo WADDANI Ah Oo Ka Hadlay Dareenkooda Xallintii Khilaafka Golaha

0
843

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafkii Golahooda ee la xalliyey, waxayna u mahadnaqeen cid walba oo ka qayb qaadatay xallinta khilaafkan.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahooda oo maanta loo balansan yahay iyo Doorashada Madaxtooyada ee foodda inagu soo haysa, ugu horeyna Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiillada Axmed Ducaale Bulaale oo ka hadlaya xallinta khilaafka Golihiisa ayaa yidhi, “Arinkani waa arin Gole, in la iska soo af jaraana duruufaha ayaa qasbaya, cid walba oo ka qayb qaadatay inay khilaafkan xalliso, arrin fiican bay sameeysay, Cabdiraxmaan Cirro-na wali Golihii wuu ku sii jiraa, waana Xildhibaan, markaas mar haddii uu ku sii jiro arrimaha Goluhu wey saamaynayaan, inkasta oo la filayo inuu Xildhibaanimada iska casilo mar haddii ay Doorashadii mudaysan tahay, balse waan uga mahadnaqayaa doorka uu ka qaatay xallinta khilaafkan”

Xildhibaan Axmed Ducaale mar aanu wax ka weydiinay  sababta keentay inuu ka tanaasulo hankiisa musharaxnimo ee Guddoomiye ku xigeen ee uu hore u shaaciyey ayaa ku jawaabay “Anigu waan tanaasulay, oo duruufo kale oo siyaasiya ayaa iska yimid, ee Ragga kale ee ku tartamaya ayaa mid ka mid ah  u codayn doonaa, si xor ah ayaana lagu dhex tartamayaa Golaha, oo loogu dooranayaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada, waxaana ay u dhaw dahay in Xisbi waliba uu nin soo sharaxo, haddii uu Xisbi ay arrintu noqoto, Xisbi baan ka tirsan nahay, jawaabtayduna waa sidaas, Anagu hal Gole ayaanu nahay, isku duubnidana waanu ku qasban nahay, ee marka Golaha dibada looga baxo, axsaab baa laga kala tirsan yahay, oo axsaabtaas baa lagu daba faylayaa, oo nin waliba Xisbigiisa ayuu wadayaa”.

Xildhibaan Axmed Ducaale mar uu ka hadlaayey Doorashdaa Madaxtooyada ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Doorashada si nabadgalyo ah dadku ha ku codeeyeen, Xisbi walibana isaga ayaa barnaamijkiisa iyo qorshihiisa siyaasadeed soo bandhigi doona, ee dadka wax laga rabaa inay si salmiya u codkooda u dhibtaan”

Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ee Golaha Wakiilada Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa isna isagoo ka  hadlaya xallinta khilaafka Golaha Wakiilada ayaa yidhi, “Waxa la ogaaday in Guurtidii, Maxkamaddii iyo Xukuumadduba, in aanay jirin khilaaf ay xal ka gaadhi karaan, khilaafkan in la soo af jarana dan kamay lahayn, balse haddii ay dalka ka nixi waayeen, anaga ayaa dalka ka naxayna, oo dadka ka naxayna, oo u tudhayna, markii la wada hadlayna arin fiican baa ka dhacay, Baashena talaabo geesinimo leh ayuu qaatay oo uu ku diiday, kagana leexday Dalwadda iyo Xisbiga Kulmiyeba, waxaana dhab ah in Baashe uu qaatay go’aan ka duwan waxay aaminsanaayeen Xukuumadda iyo Kulmiye, xalkii qarankana si fiican buu uga qayb qaatay, Golihiina wuxuu la soo noqday xoriyadiisi iyo golenimadiisi, Guddoomiyihii horena Cabdiraxmaan Cirro, si sharaf leh ayuu uga qayb qaatay arintan, Xildhibaanadaydiina waanu ku qanacnay, Cabdiraxmaan Talyanle oo ah Guddoomiyahaygii aanu dooranayna si sharaf iyo maamus leh buu ku tanaasulay, isagoo qaranimada eegaya”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Doorashada Madaxtooyada ayaa yidhi “Doorashadan ka dhacday Golaha Wakiilada, anaga ayaa tanaasulnay, ee mar haddii aanay Maxkamaddi jirin, haddii aanay Guurti jirin, ee taloow Doorashada dambe yaa ina kala kaxaynaya, su’aashaasi Shacabka ayey u taala, balse Komishanka waxaan leeyahay idinku mar walba dhex ahaada, oo Xisbiyada dhex u ahaada, oo ka feejignaada in cidi idin soo farageliso”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Doorashada Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada ee maanta loo balansan yahay ayaa yidhi, “Mar haddii uu Golihii dib ula soo noqday xorriyadiisii, oo maantaba (shalay), ciidankii laga dulqaaday, anaga ayey noo taalaa cidda aan doorayno, wax walbana khayr bay inoogu dhammaan doonaan”.