Xildhibaanada Wakiilada Oo Dood Kulul Ka Yeeshay Mooshin Ka Dhan Ah Maayarada Iyo Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanka Ee Dalka

60
2935

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa fadhigoodii salaasadii, oo uu Shir gudoominaayey Guddoomiyaha Wakiiladu Baashe Maxamed Faarax, waxay dood xaasaasiya ka yeesheen xeerka ama mooshinka ka dhanka ah Maayarada iyo Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka ee dalka, waxayna kale oo ay isku raaceen in baahiyihii aasaasiga ah ee loo baahnaa inay Golayaasha Deegaanku u qabtaan Bulshada inay dayacantay, waxay kale oo ay soo jeediyey qaabka ugu haboon ee xilalka lagaga qaadi karo Maayarada.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi, ayaa isagu ugu horeyn wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya Mooshinkan “Maaha arin saami qaybsi lagu saleeyey, ta labaad waa arin dhaqaalaha dhabar jab ku ah, sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in tiradaas la soo koobo oo caasimadda laga dhigo 17, magaalooyinka A-da ah laga dhigo 13, magaalooyinka B-da ah laga dhigo 11, magaalooyinka darada C-da ah laga dhigo 9, darajooyinka tiradaas hoos loo dhigo, waxaan soo jeedin lahaa in qodobka 21 lagu kordhiyo xubno, horta waa mid in magacooda lagu koobo xubno gole deegaan, maaha mudanayaal, mudanayaal qaran uma ah ee Gole Deegaan bay matalaan, sidaas darteed Xildhibaan lama odhonayo, ee xubin Gole Deegaan baa la odhanayaa”

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegayi in badan Xildhibaanada Golaha Deegaanku ay faragelin ku hayaan Guddida Fulinta ee Golayaasha Deegaanka, sidaas darteed wuxuu soo jeediyey wuxuu soo jeediyey in xeerkan lagu soo koobo Guddiyada iyo hawlahooda shaqo ee ay xaqa u leeyihiin oo qudha.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo isna ka hadlaya xeerkan iyo sida uu u arko ayaa yidhi “Aafada ugu weyn ee dalka ka jirtaa waxa weeyaan, Golayaasha Deegaanka ee la doortay, xeerka waxaynu u sameeysanaa in marka uu inagu baxo, xeerkaasi muxuu dalka faa’iido u leeyahay, waxa qabaa in wax laga bedelo tirooyinka ay imika Golayaashu ku fadhiyaan, ee tirooyinka ah, tiyoorinku waa wax aad iyo aad u badan, oo kharash fara badan Degmadii kharash garaynaya, Hargeysa waa 25, kuwa A-da ahina waa 21, waxaana ku baxa kharash aad iyo aad u fara badan, oo Degmooyinka wax u tari lahaa, sidaas awgeed tirooyinkaas aan macnaha lahayn, ee wax alaale waxay ku fadhiyaan aanay jirin, si baahida loo dhadhaweeyo waxaan qabaa in la yareeyo”.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey xil ka qaadista Maayarada ayaa yidhi “Qodobka 66aad, oo ah qodobka Maayarka, xilka lagaga qaadayo, oo markii hore ahaa saddex meeladoow laba meelood, waxaan qabaa in imika laga dhigo hal dheeri,dhibaatada qodobkaasi u haystay qaranka, waxay noqdeen nimanka maayarada ee ka taliya degmooyinka, kaligii taliye, oo dhawr xildhibaan buu doonayaa inuu ku naas nuujiyo hantidii qaranka, oo cashuurtii loogu tagalay masaakinta, ayuu ku naas nuujinayaa shan qof, ama ugu badnaan todoba qof, si ay kursiga ugu ilaaliyaan, dantii umadduna u xidhnaan mayso inan yar, ninka ku doodaya in lagu sii hayaana waa waxaan qabaa inuu yahay nin aan dalka dan ka lahayn”

Guddoomiyaha Guddida Nabadgalyada ee Wakiilada Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo isna xeerkan ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan halkan ka arkaynaa in loo badan yahay oo Xildhibaanadii u bateen in aan lagu koobnaan mooshinkan la keenay oo kaliya, wakhti dambena aan lagu lumine, ee xeerka qodobadaas faraha badan ee ay Xildhibaanada ka hadleen, ee ta xasaanada iyo xildhibaan ka qaadistu ku jirto, ama ay ku jiraan qodobada kale ee wax laga bedelayo ama tiro ha noqoto ama khaladaadka kale ee ku jira ha noqoto, ha la isku raaco ama yaan la isku raacine, ee Shir gudoonku ha tixgaliyaan dooda maanta halkan ka furan tahay dhinaca ay u badato, ee Muddane Guddoomiye tixgeliya, ee waxaan leeyahay Xildhibaanada halkan fadhiya ha la raaco”.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, ayaa isna isagoo ka hadlay xeerkan ayaa yidhi “Marka Golaha Deegaanku gaadhan tiradii ay ku fadhisan lahaayeen, in inan yar oo Guddoomiye Gobol ahi, ama Wasiirka Wasaaraddu yidhaahdo ma fadhiisan kartaan, oo albaabada laga xidho oo ciidamo loo diro, sharciyada meel alaale meel ay ka soo gashaa ma jirto, waxaana odhan lahaa halkeedii ha lagu celiyo, oo haddii Goluhu helo kooramkii oo buuxa, oo wareegto Wasiir iyo mid Guddoomiyaba yaanay u joojin, ee la sii daayo, xeerarka cashuuraha ee dawladdaha hoose waxa loo raaci jiray xeer 12, waxaanu ku ansixinay xeerkan 32, inay cashuuraha sameeyaan, bil walba wey kordhiyaan cashuuraha, dadkaas masaakiinta ah ee gidaarada fadhiya, ee sicir bararkaasi hayo, ayaa maalin walba lagu kordhiyaa cashuurta, wax loo dulqaadan karayo maaha”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud  oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Dastuurku ma jideen in dadku kala qob-qobsanaado, oo degmooyinka la kobciyo, degmooyina ay nooladaan, Dadku inay wada nooladan waa muhiim, in qodobadaas Degmooyinka laga hadlo, oo xeerkani wuxuu sheegayaa in la qiimeeyo, oo tii aan u qalmin in lagala noqdo kalsoonida, markaas haddii aan lagu soo darin waxay noqonaysaa inaan keeno mooshin kale, laakiin mar haddii xeerkii la furay, oo mooshin la keenay, kaas aynu ku wada shaqeeyno, oo xeerkana ha shaqeeyo”.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna ka hadlay xeerkan ayaa yidhi “Deegaanku arimaha ay gacanta ku hayaan waa arimo xaasaasiya, oo nolosha dadkii ina soo doortay taabanaya, ama nadaafada ha ahaato, ama cashuuro ha ahaato, ama jid ha ahaato, ama dhul la bixinayo ha ahaato, arimaha ay gacanta ku hayaan waa arimo aad iyo aad u muhiim ah, oo xeerarka ay Barlamaanadu sameeyaan waxaad mooda inay iyagu uga dhaw yihiin oo isla markaaba saamayn ku yeelanayaan baad mooda, haddii aynu Golihii Wakiilada nahay, oo aynu doonayno in nolosha dadka wax ka bedelno, waxay ila tahay in arinkaasi u baahan yahay sidan si ka qoto dheer, inaynu u eegno, oo is bedelka Golayaasha Deegaanka ee la doortay hawlo fara badan bay soo kordhiyeen, oo hawshii oo dayacanta, iyo gafanayaal fara badan oo Dawladdihii hoose ku soo kordhinayey ayey keentay”.

Dhinaca kale Xildhibaan Kijaandhe wuxuu soo jeediyey in la yareeyo tirada Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka. 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here