Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf Oo Hadalkii Farmaajo Ee Somaliland Ku Tilmaamay Mid Uu Olole Doorasho Ka Dhiganayo

0
510

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa tilmaamay in Farmaajo aanu wada hadalada daacad ka ahayn ee uu ku rabo olole uu dib ugu soo laabto xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Coronaha, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay “Farmaajo xilkiisi baa dhammaad ku dhaw, waxaanu doonayaa inuu wada-hadallada Somaliland olole ku dhigto ee daacad kama ah, maxaa yeelay haddii uu rabo inuu wada-hadallada dib loo bilaabo mar hore ayuu bilaabi lahaa, oo uu daacad ka noqon lahaa, maanta oo wakhti yar u hadhsan yahay muddo xileedkiisa suurtagal uma noqonayso inuu wada-hadallo Somaliland la galo, laakiin waxaa muuqata inuu rabo qaabkii uu dib ugu soo laaban lahaa madaxtinimada Soomaaliya, laakiin Somaliland wada-hadalkeeda waa wax ka weyn in olole iyo wax la mid ah laga dhigto, cid kasta oo Soomaaliya ka socotaa waxaanu la hadli karnaa oo qudha marka ay Dawladnimada Somaliland qirto, waxaana laba dhinaca ku wada hadli karaan oo qudha laba dal oo siman oo is ictiraafsan, Soomaaliya midnimadeenana wixii naga soo maray maaha wax maskaxdayda ka baxay, ee waanu xasuusan nahay, mar dambena lagama yaabo in aanu dib ula midawno, waxaanu Soomaaliya kula midoobi karnaa oo qudha marka Waddamada Afrika ay noqdaan sida Mareykanka waddan qudha”.

Dhanka kale, Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, wuxuu Shacabka reer Somaliland ku dhiirigeliyey inay aad isku ilaaliyaan oo ay aad uga taxadirana xanuunka koronaha.