Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid Oo Madaxweynaha Ku Dhaliilay Inuu Awday Wadooyinkii Sharci Ee Komishanka Xilka Lagaga Qaadi Lahaa

23
3152

Hargeysa(Geeska)-Xildhibana Xuseen Axmed Caydiid ayaa madaxweynaha ku dhaliilay inuu awday wadooyinkii sharci ee komishanka xilka lagaga qaadi lahaa taasina ay keentay in xisbiyada qaranku ay ku dhawaaqaan qabashada shir qaran.

Waxa uu Xildhibaan xuseen Axmed Caydiid uu sheegay sida sharciyan komishanka xilka lagaga qaadi karo, waxaanu madaxweynaha ku dhaliilay in aanu sharciga tixgalin, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa sidan ka sheegay fadhigii golaha wakiilada oo uu ka hor khudbadeeyay “Xubanaha komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa.” Ayuu yidhi Xuseen,

A-Marka uu jabiyo shardi ka mid ah shuruudii lagu soo doortay

B-Markuu xilka gudan kari waayo karti daro ama caafimaad daro awgeed

C-Marka uu ku kaco anshax xumo xatooyo,musuqmaasuq.

Xuseen oo hadalka sii wataa wuxuu yidhi “Cid kasta oo soo codsata in xilka laga qaado Komishanka sababahaas waa inay wax ka soo qortaa, guddoomiye waxaad haysaa 14 warqdadood oo soddon dhacdo ah oo si balaadhan u dhacay oo mid walaba xeerkii waajibinaayay uu ku qoran yahay ee lagu gafay,madaxweynaha ayaa loo qoray shir guddoonkuna nuqul ayuu ka hayaa,

Faqrada 2–aad marka arimaha kor ku xusan la dareemo  waxa uu madaxweynuu magacaabayaa gudi baadhiseed oo ka soo talo bixisa si uu talo uga qaato, uma banaana marka warqadu ay u timaado madaxweynaha ee uu akhriyo inuu jawaabo iyo inuu markhaati furo, sideed bilood ayaanu sidaas ku kala maqanahay oo madaxweynu uu markhaati uun la soo taagan yahay oo aanu qodobka hoos u eegin maxaa kaala gudboonaa inaad yeesho.

Faqrada 3-aad waxay leedahay xil ka qaadista komishan waxa awood u leh, hada mudanayaal ayaa yidhi madaxweynuu awood uma laha, madaxweynaha laftigiisa ayaa yidhi awood uma lihi, awoodii uu lahaa ee uu golahan keeni lahaa ee uu codka uga heli lahaa ama uga waayi lahaa muu soo marin.

Marka la leeyahay xisbiyo ayaa wax kale ku dhawaaqay wadadii la mari lahaa haday halkaas ku awdan tahay oo uu nin albaab saaro oo uu yidhaahdo la mari maayo halkee laga wareegaa, saw kalifi mayso in markaas lagu kala dareero, maxaynu eeganaa hadaynu sharcigii isku raaci la’nahay.”

Waxa uu xildhibaan Xuseen lacagta loo shubay komishanka ku tilmaamay mid qaranka laga luminaayo maadaama oo komishankani ay yihiin kuwo aanu xisbiga Waddani ku qanacsanayn oo aan dalka doorasho u qaban karin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here