Xildhibaan Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Abaaraha Qiil Uga Dhiganayso Muddo Kordhin

0
530

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu dadkiisa soo eego, balse safarkiisa ay ku baxayaan kharash aad u fara badan oo aan loo baahnayn, waxaanu tilmaamay in Wasiiro badanina oo waajibaadkoodii shaqo gabay inay iyana la socdaan.

1

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddani diyaar u ahayn inay Doorasho qabato, waxaanu baaq u diray Golaha Guurtida, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya safarka Madaxweynaha “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu dadkiisa soo eego, xaq buu u leeyahay inuu xaaladooda la socdo, oo wuxuu tari karo uu taro, laakiin safarkiisa waxaad mooda inuu yahay mid ka badbadin ah,maxa yeelay kharash aad u fara badan baa ku baxaya, waxaana xusid mudan in Wasiiro aad u badan oo waajibaadkoodii shaqo u yaalo, inay la socdaan, waxa haboonayd in Madaxweynaha ay raacaan cidii aan looga maarmi Karin, laakiin in raxan wasiiro ay raacaan, oo kharash aad u fara badan oo u baahnaa in dadka lagu caawiyo ay iyaga ku baxaan maaha wax meesha qabta, waxayna taasi ku tusaysaa nidaam darada Xukuumadda”.

Xildhibaan Maxamed Salaax Cige ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Waxa muuqata in aanay Xukuumaddu diyaar u ahayn inay gasho Doorasho, waxaana soo baxaya warar hor dhac ah oo ku saabsan dib u dhaca Doorashada iyo muddo kordhinta Xukuumaddan, waxaana caddeyn inoogu filan hadaladii ay ku hadlayen Masuuliyiintii ku hadlaayey magaceeda, ee dib u dhaca sheegayey, waxaanse fariin u dirayaa Komishanka Doorashooyinka oo aan leeyahay xilkiina si fiican u guta, oo ha ka yeelina Xukuumaddan inay faraha idinla soo gasho, Odayaasha Guurtidana waxaan leeyahay ka feejignaada inaad mar dambe muddo kordhin sameeysaan, oo garta waajibka iyo xilka idin saaran, waxaana muuqata inay Xukuumaddu qiil ka dhiganayso abaarta ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga dul qaado”.