Xildhibaan Tukaale Oo Isku Xidhay Dib U Dhaca Doorashada Iyo Saamiqaybsiga Golahooda

0
9672

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa tilmaamay in dib u dhaca Doorashada uu qayb ka yahay tabashada saami qaybsiga, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu ku dhiirado, oo uu sameeyo saami-qaybsi.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xisbiyada Mucaaradku xaq u leeyihiin inay dhaliilaan Komishanka,waxaanu yidhi   “Arinta ugu weyn ee aan odhan karo Doorashadu uma dhici karto waa saami qaybsiga, Madaxweynaha isagoo aqlabiyad lagu doortay, oo Xisbigii ugu soo dhawaa uu kaga badiyey 80-kun oo cod, Dastuurkii uu ka baqayo, oo uu leeyahay lama taabanayo macquulba maaha, Cigaalna uu dhintay oo dib u soo dhalan maayo,waxaana hubaal ah haddii uu noolan lahaa inuu ku dhici lahaa saami qaybsiga uu sameeyo, haddii aanu nahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salel, waxaanu leenahay ilaa iyo inta laga sameeynayo saami qaybsi, wax Doorasho la yidhaahdo Goboladaas ka dhici mayso, waana in la fuliyaa go’aankii Maxkamadda, Doorashadaydii hore ee Wakiilada, waxaa lagu galay Shantii Degmo ee hore, iyo Degmada Berbera, oo lagu soo daray, oo Degmo waliba diradii ay lahayd lixdankii ayaa 2.5 lagu dhuftay, Awdal iyo Sale loo 16 Xildhibaan isku lahaa, ayey 13 u soo hadheen, Daahir Rayaalena wuxuu yidhi Dimuqraadiyad baan iibinayaa, wuxuu nagu yidhi raali ahaada, oo sidaas Doorashada ku gala, waxaana imika loo baahnaa inuu Muuse Biixina, sidaas oo kale sameeyo, oo uu ka badheedho Saami qaybsiga, isla markaana Beelaha darafyadu saami ay xaqa u leeyihiin uu siiyo”

Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Xisbiyada Mucaaradku Komishanka dhaliilo ayey u soo jeediyeen, laakiin Komishanka xilligoodii muu dhammaan, sidaas oo ay tahay Xisbiyada Mucaaradku waxbay ka tabanayaan Komishanka, waxaana ka war qabanay in Xisbiga Kulmiye markuu Mucaaradka ahaa inuu ka hor yimid Komishanka, waxaanu yidhi ha nalaga bedelo, waana laga bedelay, maantana Xisbiyada Mucaaradku halkaas ayey taagan yahay, oo haddii ay diidan yihiin in la kala diro, waa sax, xaqna wey u leeyihiin, Madaxweynuhuna awood buu u leeyahay inuu kala diro Komishanka”

Mar uu ka hadlaayey eeda Madaxweynaha Maamulka Somalida Itobiya ee Somaliland ku waajahan ayaa yidhi “Siyaasadii Arrimaha Dibadda iyo Guddahaba gaabis baynu ka nahay, waxaynu ogeyn in laba Beelood oo walaalo ah oo Gobolka Sool wada degaa inay is laayeen, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo meel aan Somaliland ahayn, markaas wixii aynu ka gaabinay in la inoo qabtaa, inaga ayey nusqaan inagu tahay, eedo aynaan lahayna in la inoo soo jeediyo inaga ayaa isku geysanay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here