Xildhibaan Soo Jeediyay In Wax Laga Bedelo Qaabka Ololeyaasha Xisbiyada

0
822

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Difaaca, Amniga iyo Sirdoonka Golaha Wakiilada Somaliland Cabdikariim Aw Cali Shabeel,ayaa ka digay nidaamka uu ololuhu u socdo, waxaanu sheegay in marka dib looga soo noqdo fasaxa Golaha Wakiilada, inay wax ka bedeli doonaan nidaamka loo ololeeyo, oo uu sheegay in wax badani ka khaldan yahay.

Guddoomiyaha Guddida Difaaca, Amniga iyo Sirdoonka Golaha Wakiilada Somaliland Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay in nabada wax la yeelo, isagoo Xukuumadda iyo Hay’addaha Amniga ugu baaqay inay wax ka qabtaan dadka iyagu carqalada wada, waxaanu ugu horeyn yidhi  “Nabad wax ka wanaagsani ma jiro, Axsaabtu dadka wey u dhexeeysa, in Doorashadu si nabadgalyo ah oo xalaal ah inoogu dhacdo ayaan ILLAAHAY ka rajaynaynaa, waxaana dadka ku boorinayaa oo aan u soo jeedinayaa in nabada aynu haysano aan lagu ciyaarin,Xisbiyadana waxaan leeyahay idinka ayey dadku idin dhego nugul yihiin, ee ku dadaala sidii loo xakameeyan lahaa dhibaatooyinka soo noq-noqday, oo wixii hore u dhacay mooye yaanay dib u dhicin arimaha caynkaas oo kale ahi, dadka waxaas sameeynayana in wixii lagaga talagalayo in Xukuumadda iyo Xisbiyadu iska arkaan weeyaan, dadka waxaas wadaana waa dad aan aragti dheer aan lahayn, oo khasaaraha iyo faa’iidada aan kala aqoon,waxaan soo jeedinayaa  Xukuumadda, Golayaasha Qaranka iyo Hay’addaha Amnigu inay ka hawl-galaan dadka wejiyada noocaas oo kale amniga wax ugu dhimanaya”.

Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel mar uu ka hadlaayey ololaha iyo xeer uu sheegay inay ka soo saarayaan ayaa yidhi “Waxaanu arintan ololaha hor dhigi doonaa Golaha Wakiilada, marka fasaxa laga soo noqdo, si sharci adag looga soo saaro sidii wax looga bedeli lahaa qaabka loo ololeeyo, anaga oo Xildhibaanadii Qaranka oo dadka wakiil ka ah, maxa yeelay ilaa iyo laba iyo tobanka habeenimo ayaa la ololeeyaa, waxay ahayd in Komishanka iyo Hay’adda Amnigu ay wax ka qabtaan qaabka uu u socdo ololuhu ee ah in ilaa iyo saqda dhexe ee habeenkii la ololeeyo, oo heeso la shito, waana dhaqan xumo, ee si aanay taasi olole dambe aanay inoogu dhicin xeer lagu xakameeyo nidaamka loo ololeeyo ayaanu soo saari doonaa, waxaan kale oo aan aad uga digayaa in aad looga feejignaado hadalada caadifada ah ee dadka kala fogaynaya, waxaana haboon in si nadiif ah loo tartamo”.

Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka wax ceeb ah, oo ka jira ma jiraan, hawshooda si fiican bay ilaa hadda u wadaan, iyana waxaan farayaa inay sii adkeeyaan kaalintaas ay ku jiraan”.