Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Kulul U Naqdiyay Hoggaaminta Madaxweyne Axmed Siilaanyo

0
540

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa xukuumada Kulmiye si adag ugu dhaliilay in aanay hoos u eegin heerka nololeed ee ay bulshada Somaliland ku sugan tahay, waxaana uu carabka ku dhuftay in maanta ay bulshada Somaliland ku jirto xaalad aad u adag isaga oo tibaaxay in xukuumadu ay hadana sii wado kordhinta cashuuraha oo bulshada Somaliland ku ah culays aad u weyn.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa hadalkan ka sheegay mar lagu waraysanayey barnaamij-ka Hal-adayg oo uu daadihiyo wariye Maxamed Muuse Kuraase oo ka soo baxa Talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu qayrul sharci ku tilmaamay lacagtii dhawaan la dulsaaray gaadiidka cusub ee ka soo degaaya dekada magaalada Barbera.

"Dawladan Kulmiye cashuurihii kor ayey u qaaday, xaalada wadanka lama socoto, wax Alle iyo wax ay ka ogtahayna haba-yaraate ma jirto, arrimaha dibada waxa laga yaaba in wasiirka dibadu uu dedaalayo laakiin waad ka warqabtaanoo illaa Itoobiyadii aynu walaalaha ahayn meel walba waa ay xidhan tahay. Waxa kale oo la yaableh dawldani dadkeeda hoos uma eegto, maanta maxaa lagu nool yahay dollarkii halkee ayaa uu marayaa?. Islaantan bacadka fadhida maxaa laga qaada?.Maxaa se iyada maxsuul u ah?. Maxaa qofkan bani-Aadamka ahi ku nool yahay ee uu cunayaa?.Raashinkii halkee ayaa uu marayaa?.Shidaalkii halkee ayaa uu marayaa?. waxa Alle iyo wax cid wax ka ogi ma jirto. Askariga yar ee boqolka dollar qaata maanta wax Alle iyo wax ku filan ma jiro, noloshii cirka ayey maraysaa, Sideed kun ayaa halkii dollar imika ku sii socdaa iyada oo bulshada ay sidaas wax u saaran yihiin ayaa tan gaadiidkana loogu daray, waxa weeye gaadiidka markii Riyaale 1800 oo dollar ayey ahayd cashuurta la qaadi jiray gaadhiga Landcruiser-ka ah, maantana waa saddex Kun iyo laba boqol o dollar, iyada oo waxaas oo dhami ay sidaas isu saaran yihiin ayaa hadana isbaaro qayrul sharci ah oo meel Alle iyo meel uu ka yimi aan la garanayn oo bani-Aadamku musuq maasuq waa ay sameeyaan, laakiin waxaa la sameeyaa musuq-maasuq yara xidhan oo wax huwan, se si kaashifa ayaa isbaaro la isaaga dhigtay oo macnaheedu tahay aniga ayaa dalka xukuma sida aan doonana yeelaya.".Ayuu yidhi Md.Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaa uu sida oo kale xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in iyada oo aan la samayn xeerkii fasaxaayey iibinta hantida qaranka ay xaraashayso hantida qaranka, waxaana uu sheegay in ay xaaraan tahay cida iibsata hantida qaranka, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in dalka ay heshiiyeen xukuumada iyo ganacsatada lacagta leh oo la illaaway dadkii kale ee dabaqadaha hoose.

"Wax Allaale iyo waxii aynu hanti lahayn ee illaa Ingiriiskii laga xishooday ayaa la yidhi xaraash ayeynu ka dhigaynaa, waxaa jira xeer oo distoorku ha ku siiyo, laakiin dee distoorku waa haykal, markaa xeerar ayaa ka dheegma oo tafaasiishii bixinaaya, xeerka iibka hantida qaranka lama samayn wali oo gacanta ayaa uu ku jiraa oo gudidayda shuruucda ayaa hada wada, waxa weeyaan xeer lama doonayo oo waa laga gaadhsiinayaa Sagaal boqol, Sideed boqol oo kun ayaa la siinayaa meel Alle iyo meel ay galayso lacagtaasina ma jirto, arrintaana waxaan uga digayaa shacbiga reer Somaliland Xaaraan weeyaan in aad iibsataan hantida dawlada iyada oo aan xeerarkii fasaxaayey soo bixin. Arrinta kale ee cajiibka ahina waxa ay tahay dalkii laba ayaa shuraakoobay oo waa ganacsatadii waaweynayd iyo xukuumadii ayaa shuraakoobay, waxaa la yaableh meel walba ganacsi hebel iyo hebal ayaa iibsanaya oo nin sadexaad kuma jiro, nimankaana waxaan leeyahay oo aan uga digayaa xeerar ayaa leh waxaa xaaraan ah in wadankan ay dabaqado ka abuurmaan oo qolana ay naaxdo kuwa kalena ay noqdaan dabaqado hoose oo baaba'ah.".Ayuu yidhi Md.Siciid Cilmi Rooble.