Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Baxay Waddani

0
1015

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo afartii sanno ee ugu danbeeyay uu ka mid ahaa xildhibaanada aadka ugu ololeeya.

Xildhibaanku waxa uu ku tilmaamay xisbiga Waddani mid dhib badan. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ariman ka hadlaayay waxa uu yidhi “Muddo sideed maalmood ah tan iyo maalintii laga baxay golahaas ilaa iyo maanta naftayda ayaan la tashanaayay, habeen ma seexan oo waan is miranaayay dhinac walba waan ka eegay hawlahayga, waxaan ku dhawaaqayaa kow inaan Waddani ka baxay. Maanta oo ay bishu tahay laba maalin Axad 2017 aniga oo nool oo aan cadhaysnayn oo maankayga qaba ayaan xisbigaas ka baxay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”sideedaas maalmoodba waan is miranaayay, waxaan ku jiray xisbigaas afar sanadood, toban sano oo kale oo aan mucaarad ahaana waxaan ku jiray Kulmiye, tobankii sanadood ee aan Kulmiye ku jiray waxa igaga adkaa  oo igaga hawl badnaa afartii aan Waddani ku jiray, waxa lay yaqaanaa oo aan aniguna isku aqaanaa allena ii yaqaanaa inaan nin daacad ah ahay meesha aan tago ma gabado, mana aqaano siyaasad dhexe, waa arin aan anigu iska kari waayay meesha aan galo aaga ugu horeeya ka ay xabadu ku dhacayso ayaan galaa, Kulmiyena sidaas ayaan ahaa oo nin iga horeeyay ma jirin,Waddanina sidaas ayaan ahaa, waxaan idiin sheegayaa maalintaan Waddani galay waxa uu ahaa urur yar oo reer ah, wadadaas Awbarkhadle ee Burco ayaan ka baxay lamaan tashan reerkayga,cida aan xildhibaanka u ahay iyo Ciise Muuse, qofna lama tashan waxaan is idhi waad ku dawakhaysaa hadaad la tashato, laakiin waxaan u arkaayay inaan qabyaalada umadda aan ka saaro.”

Waxa uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble uu ka waramay hawlaha ay isla soo mareen guddoomiye Cabdiraxman Cirro waxa uu yidhi”Cabdiraxmaan (musharaxa xisbiga Waddani) oo laba iyo toban sanadood guddoomiye ii ahaana oo aan intaasna dhisaayay, 2005-tii ragii dhisaybaan kow ka ahaa intii aanu golaha ku jirnayna kursigiisa ayaan difaac ugu jiray, Udub ayaa soo weerarta oo Ucid ayaa soo weerarta, waxa ugu weerar badnaa tolkii 28-ka Kulmiye ayaan u ahaa horjooge, 28-kayagaas ayaa ilaalinaayay, run ahaantii Siilaanyo waa uu u abaal guday, waxaan odhan karaa cida kaliya ee loo abaal guday inuu Cirro yahay.”

Xildhibaankan iska casilay xisbiga Waddani Siciid Cilmi Rooble ayaa meesha ka saaray in uu siyaasada ka baxaayo.