Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Walaacsan Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada

0
659

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo in dib u dhac mar kale ku yimaado doorashada madaxtooyada ee qorshaysan November 2017.

Waxa uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble sidan ku sheegay warasi gaar ah oo uu siiyay Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan tilifishanka HCTV, shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay dareen yeeshaan oo dalkooda ka war hayaan, waxaanu isagoo doorashada ka hadlaya uu hadalkiisa ku bilaabay  "Ilaa iyo imika doorashadii inkasta oo gudida doorashadu hawshii si fiican u wado  oo Berbera iyo Booramaba ay kaadhadhkii si fiican u qaateen haddana ilaa hada qaadhaankii ay xukuumadu balanqaaday lagama hayo oo afartii milyan ee dollar ee doorashada lagama hayo aad iyo aad ayaanu uga warwarsanahay.”

“Shacbiga reer Somalilandoow xaalad adag ayaad ku jirtaan ismana ogidin hore ayaan anigu u idhi waad sixrantihiin, maantana waan ku celinayaa caadi ma tihidin caalamku waxa uu ka kacaa roodhida oo la saaray qarshi, idinkuna waad rogmateen oo waliba waad hadlaysaan walibana waxa laydin leeyahay waxbaanu idiin qabanay oo markaas ayaad sacab u garaacaysaan, anigu waxaan leeyahay taas abaaraha laftigeedu waa wado kale weeye oo May-da ayaa la masaxayaa, waxaan leeyahay shacbigu ha toosaan oo indhaha kor haw qaadaan."

Xildhibaan Siciid  oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Macdantiina iyo badroolkiina ayay Carabi ku soo duushay haddii aad dhago leedihiin iyo haddii kaleba, anigu waxaan qabaa nidaamkan imika ina haystaa waa dad doonaya in aanay dalka waligood ka kicin aduun ayaa u muuqda ee umaddu uma muuqato, umaddu dhibaatada ay soo martay uma muuqato waa calooshood la ciyaar waxaan leeyahay Alle kuwan haynaga soo gaadho shacbiguna dhinac ha wada raaco. waxaan filayaa in Waddani haddii Alle keeno uu nidaamkan bedali doono in wax alle iyo waxii hantida umadda ah ee la lunsaday uu soo celin doono, waxa meel walba hadda la dhigay masaabiir, hantidii umadda cid ayay gacanta u galisay si hadhow qaylo uun u taagnaato, wax alle iyo wax qaylinayaana ma jirto haddii sharciyada la raaco, haddii madaxweynuu uu sharciyada raaco oo ilaa ka ka hooseeyaa uu sharciyada raaco oo jeelashu ay buuxsamaan madax; imika masaakiin ayaa ka buuxdee oo cadaalad la arko, wax allaale iyo wax buuq ah iyo wax qaylinayaa toona ma jiraan, waxaan leeyahay hantidaas umaddu dib ayay u soo noqonaysaa, waar marka qofku xaaraan yar qaato waa uu qajili jiray imikana waxa lagu tartamayaa fooq buu leeyahay, laba fooq ayuu leeyahay oo saddex fooq ayuu leeyahay."