Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Hadlay Loolanka KULMIYE Ka Dhex Jira, Murashaxnimada Madaxweyne Silanyo Iyo Siyaasiyiinta Kale Ee Hanka Leh

0
682

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa si adag uga hadlay khilaafka muddooyinkii danbe la sheegayey in uu ka dhex jiro xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE,waxaana uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu illaa hada la yahay cidii u noqon lahayd murashax madaxweyne,isaga oo carabka ku dhuftay in madaxweyne Siilaanyo uu quudhi la yahay ragii shalay dhisay in uu isna maanta dhiso.waxaana uu  tilmaamay in rag badan oo naawilaayey in ay hankooda madaxweyne nimo muujiyaan ay la’yihiin jidkii ay dariiqaas u mari lahaayeen in ay ku muujiyaan hankooda.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika,waxaana uu ugu horeyn sheegay in uu si aada uga xun yahay jahawareerka uu xisbiga KULMIYE ku riday bulshada Somaliland.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay,jaah wareerka uu shacbiga reer Somaliland ku ridayo xisbiga KULMIYE, iyo xukuumadiisu,waxaa illaa maanta la’layahay murashaxii madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE,waxaana muuqata in rag badan oo naawilayey in ay iska sharaxaan xisbigaas,ay la yihiin jidkii ay u mari lahaayeen, inay ku muujiyaan hankooda,waxaanay shacbiga u soo bandhigi kari waayeen xaqiiqda u muuqata oo ah in madaxweynaha uu walaac kaga jiro murashaxnimadisa danbe,afkana waa laga dhawrayaa,madaxweynahuna u quudhi waa raggi shalayto dhisay in uu maanta dhiso”Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sida oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu dhanka kale uu iftiimiyey in cimriga Xisbiga KULMIYE uu ku eeg yahay shanta sano ee soo socota,isaga oo carabka ku dhuftay in murashaxnimada madaxweyne nimo ee soo socota ta’ ka sii danbaysa ay ka soo hor marayso furistii ururada sidaas daraadeedna uu Xisbiga KULMIYE ku danbaynaayo wadadii uu maray xisbigii UDUB. “Dhaxalkuna waa dariiqii UDUB in uu ku danbeeyo KULMIYE.Waxaan arkaya iyada oo mar walba nin loo dhiibayo foosto labada dhinacba ka daloosha oo la leeyahay buuxi adiga ayaa murashax noqonaya-e. Waxaan tolkay leeyahay,tolkayoow cadkan kolba dheriga laga soo saarayo ee hadana lagu celinayaa,waxaa uu u muuqda walacsi iyo waxaan la helayn ee kala badbaadsha nafihiina.Tolkayoow waxaan idin xasuusinayaa in cimriga xisbiga KULMIYE uu ku eegyahay shantan sano ee so socota,waa haddii uu sii jiraba-e,ta ka sii danbaysa ee murashaxnimadeeda madaxweynaha waxaa ka soo hormaraya furitaankii ururada haddii eebe idmo”Ayuu yidh Siciid Cilmi Rooble.

Ugu danbayntiina waxaa uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble uu sheegay in hada jidka mucaaradnimo ee uu qaaday uu yahay jidkii qaranka Somaliland,sida ay ku faa’idi lahaayeen bulshada Somaliland.“Waxaan arkayaa in jidkan aan hada anigu qaaday uu yahay kii qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo inaguba ku faa’idi lahayn,iskuna baanan lahayn,ka dibna mustaqbalka uga tashan lahayn”Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.