Xildhibaan Siciid Cartan Oo Ku Tilmamay Qaadka Aafada Dhaqaalaha Dalka Jilbaha U Dhigtay

43
3649

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan ayaa xukuumada iyo guud ahaanba shacabiga Somaliland ka codsaday in dalka laga joojiyo qaadka oo uu ku tilmaamay aafo naafaysay dhaqaalaha dalka.

Xildhibaan Siciid Cartan ayaa xukuumada iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ku tilmaamay kuwo indhaha ka qarsanaayaan dhibaatada dhaqaalaha Somaliland jilbaha dhulka ugu dhufatay oo uu ku tilmaamay qaadka. Xildhibaanka oo la hadlaayay Hadhwanaagnews waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sicirbararku duruufo badan ayaa keenay xoolihii noolaa markii la joojiyay tiirkii koowaad ayay ahaayeen,laf dhabarta dalku waxa ay ahayd xoolaha nool xooliina waa kuwan istaagay oo saylada ugu waynayd waxa ay ahayd sucuudiga oo waa ay istaagtay, saylada labaad oo ahayd Yamana dagaal ayaa ka socda, hadii intaas la waayay dalkeena aafo qaran ayaa haysa oo xukuumad,golayaal iyo shacaba waa layska indha tirayaa, waxa dalka ku habsaday qaadka  intaas oo milyan oo doolar ayaa sanadkii ku baxda iyada oo qoraal ahna wasaarada maaliyadu waa ay haysaa, dhibaatada jirtaa waxa weeye shicib iyo dawladba lacagta qaadka ku baxaysaa waa mid dalkeena wax badan ka taraysa oo kaabi karta lacagta yar ee dalkeena soo gasha, mushkiladu waxa ay tahay qaran dhan oo raali ka ah daroogadan caalamku iska joojiyay in suuyadeena lagu iibiyo, oo lacagteenii adkayd waxaynu ku bixinaa Itoobiya, waxaan ku talinayaa sidii loo joojin lahaa daroogadaas dalkeena aafaysay ee dhaqaalaheeniina naafaysay ee wax aynu Itoobiya kaga soo badalanaynaa aanu jirin,Xukuumadana waxaan leeyahay waar qaadkaas umadda halagu jiheeyo sidii loo joojin lahaa waana laydinku garab galayaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here