Xildhibaan Sheegay In Xukuumadda Siilaanyo Dalka U Horseeday Musuqmaasuq

0
896

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumadda Kulmiye, dalka u horseeday musuq-maasuq, hantida umadda oo la xalaashaday iyo  sicir barar baahsan, waxaanu tilmaamay in dalku u baahan yahay is bedel dhab ah, is bedelkuna uu ku jiro Xisbiga Waddani oo taladda dalka ku guulaysta.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhaweeynayo masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta ku soo biiraya Xisbiga Waddani, waxaanu ugu horeyn yidhi“Waxa caddatay in Xisbiga Kulmiye, laga guurayo, oo Xisbiga Waddani loo soo guurayo, waxaana filayaa in niman waaweyn oo aan la filaynin inay ku soo biirayaan Xisbiga inay ku soo biiraan, Xisbiga Waddani, waa Xisbi mustaqbalka Somaliland ka muuqdo, astaantii guusha ayaa si wanaagsan u muuqata, cid kasta oo la bajiyo, cid kasta oo lacag lagu hadido, cid kasta oo la laalusho, dadka dareenkiisa iyo doonistiisa, ayaan loo taag helin, guusha Waddanina wey dhawdahay”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Musuq-maasuqa Xukuumadda, dhulka la iibiyey, hantida umadda ee la xalaashaday, iyo sicir bararka baahsan ayaa kulmiye inoo horseedaye, shacabku dantooda ha gartaan, oo guushooduna waxay ku jirtaa in Xisbiga Waddani codkooda siiyaan,si dhibaatooyinkaas Xukuumadda Kulmiye ina baday, meesha looga saaro, ta kale gaadiidkii dawladda, shidaalkii iyo hantidii umadda ka dhexeeysay Xisbigii Kulmiye ayaa loogu ololeynayaa”.