Xildhibaan Sheegay Inay Jiraan Dad Madaxweynuhu Kharaash Caafimaad Ka Bixinayey Oo Saxeexiisa U Caddilan

0
910

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid olaha Wakiilada, ayaa tilmaamay in Masuuliyiinta xilalka dalka haya ama dadka lacagta haysta in markay xaalad caafimaad daro la soo daristo inay deg deg dalka uga baxaan, halka uu xusay in shaqaalaha dawladda iyo dadka danyarta ah markay xaalad caafimaad-daro la soo deristo, in  la hagrado oo inta badan aan waxba loo qaban, waxaanu Madaxweynaha u soo jeediyey tallooyin ah inuu hoos u eeg dadka xanuunsanaya ee aan xaaladooda caafimaad dalka waxba lagaga qaban karin, oo uu sheegay inay warbixintoodu Madaxtooyada taalo muddo dheer.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka isku sidkan ee dalka ka dhacaya waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kolba heer ayeynu soo maraynay oo waxay jirtay wakhti aynu ku jirnay xaalad adag, laakiin wax walba waxaynu kaga soo gudubnay wada tashi, heerkaasna aynu maanta marayno ILLAAHAY ayeynu ugu mahadnaqaynaa, insha allaah waxaan rajeynayaa n wax walba oo aynu uga baahan nahay inaynu dibed ugu socdaalno inaynu dalkeena ku helno, gaar ahaan dhinaca Caafimaadka, inkastoo qof walba oo inaga mid ah ha noqdo shicib ama masuul aan u rajeynayo uguna ducaynayo caafimaad buuxa, cid kasta oo xanuunsanaysnaa aan ALLE uga baryeyo inuu caafimaad buuxa siiyo xanuunkana ka dulqaado, Madaxweynaha waxaan uga mahadnaqayaa inuu xil iska saaray  caafmaadka Shaqaalaha Dawladda, waxaan kale oo aan uga mahadnaqayaa inuu carruur wadnuhu xanuunayo uu ka bixiyey kharashkii lagu qalay, iyadoo waliba carruurtaas lagu qalay Cusbitaalka Gargaar, ALLENA miisaanka xasanaadka ha ugu daro khayrkaas uu sameeyey”.

Mar uu ka hadlayey dad shaqaale dawladood ah oo xaaladdooda caafimaad dalka waxba lagaga qaban karin oo muddo dheer warbixintoodu taallay Madaxtooyada ilaa haddana aan waxba loo qaban ayuu yidhi “Madaxweyne waan kaaga mahadnaqayaa in haweenka iyo beelaha la hayb sooco in musharixiintooda aan lacag ka bixiso, ee Madaxweyne sida aad uga badheedhay haweenka iyo dadka la hayb sooco, ogow inay jiraan dad la ildaran xanuuno oo saxeexaaga u cadilan, warbixintooduna Madaxtooyada taallo, cid u doodana aanay jirin, Madaxweyne Masuuliyiinta xilalka qaranka haya markay xanuunsadaan deg-deg ayaa loo qaadaa,  halkay jiraan in dad danyar ah oo shaqaale ah muddo dheer warbixintoodu taallay Madaxtooyada oo saxeexahaaga sugaya, Madaxweyne si if iyo akhirana liiban iyo xanaasad u heshid hoos u eeg shaqaalaha dawladda ee xanuunada la il daran, ee muddada dheer warbixintoodu ku hor taalo, ee Wasiiradaada iyo Madaxda ka tirsan Xukuumaddaadu ku soo gudbiyeen, Madaaxweyne in dad xaalad caafimaad daro u liita oo  saxeexa sugaayey muddo sannado ah in haddana lagu yidhaahdo Doorashooyin iyo Covid_19 ayaa lagu jiraa ee lacag la idiinma hayo xilkasnimo daro ayaan u arkaa, ee Madaxweyne dadkaaga jilicsan hoos u eeg oo waliba dadkaaga aan waxba qabsan karin, awood ay dhakhtar ku taagana aan haysan hoos u eeg, oo wixii karaankaaga ha la qabo”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Doorashooyinkan dalkeena ka dhacaya, ee aynu sugayno inay inoo dhacaan, waxay inoogu dhici doonaan insha allaah si fiiican, waxaana aad uga digayaa wax kasta oo ka hor imanaya Doorashooyinka”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office