Xildhibaan Sheegay In Xeerka Doorashooyinka La Ansixiyey Markii Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiilladu Xal U Waayeen Tabashada Reer Awdal

0
514

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay meel-marinta Xeerka doorashooyinka iyo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo Golaha Wakiilladu meel-mariyeen Axaddii doraad, iyadoo ay Golaha ka maqnaayeen xildhibaannada Gobolka Awdal.

Xildhibaan Cartan oo u warramay Telefiishanka SAAB ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu uu Xeerka doorashooyinka ansixiyey, ka dib markii Xal laga gaadhi kari waayay Tabashadii Xildhibaannada reer Awdal ee Golaha ka maqnaa, waxaanu sheegay in Xildhibaannada oo matalayey Aragtida reer Awdal ee Saami-qaybsigu ay ku adkaysteen arrinkooda, isla-markaana ay arrinkooda xal ka gaadhi kari waayeen Guddi uu Goluhu u saaray iyo Madaxweynaha laftiisu.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Arrinkaa in badan baa lagu jiray, Guddi ka kooban dhowr iyo toban Xildhibaan baa loo saaray Arrinkaa (Cabashada Xildhibaannada Beelaha Darafyada), waxaana la doonayey inay (Xal) ka soo gaadhaan, laakiin way ka soo gaadhi waayeen, wax Xal ahna kamay keenin, midda kale Xukuumaddu aad bay isugu mashquulisay Arrinkaa oo aad baa looga wada-hadlay, laakiin Xildhibaannada ka socday Awdal waxay matalaan Gobollo, Gobolka laga soo doortay waxa uu qabo oo ahaa Tabasho in Saami-qaybsiga dib loogu noqdo ayay Beelahooda ku Matalayeen Ra’yigii ay qabeen, wayna muujiyeen, laakiin lama yaraysan oo Xal in la gaadho waalla doonay, Xalkiina wuxuu noqday Xal aan u cuntamin Xildhibaannadii Gobolka Awdal, Waayo? xitaa Madaxweynaha way iska arkeen, laakiin wax midho ah oo ka dhashay ma jirto, markaa waxay noqotay Xeerkii u dabranaan maayee in la dhaqaajiyo ayay noqotay, iyaguna waxay ku adkaysteen fikirkii uu Gobolkoodu qabay, sidaas ayayna Golaha kaga maqnaadeen..”