Xildhibaan Saleban Cali Koore Oo Ganacstada Ugu Baaqay Inay U Naxariistaan Shacabkooda

0
500

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa  baaq u diray guud ahaan Ganacstada kale duwan ee dalka,  waxaanu ugu baaqay inay dadkooda u naxariistaan, oo ay meecashada u jabiyaan,waxaanu sidoo kale ku taliyey in Nabadgaliyada meel looga soo wada jeesto  oo la wada ilaaliyo.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika  ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya inuu doonayo ololana ugu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo la sheegay inuu dhawaan iska casilayo, si uu ugu madax bananado hawlaha Xisbigiisa iyo Musharaxnimada Madaxweyne.

Isagoo ganacsatada la hadlaya wuxuu yidhi xildhibaanku "Dadku waxa ay u badan yihiin danyar, halka ay Maceeshadii maraysana weynu aragnaa, marka waxa aan kula talinayaa guud ahaan Ganacstada waaweyn ee dalka inay dadkooda danyarta ah u naxariistaan, oo Maceeshada iyo Raashinka u jabiyaan, marka ay dadkooda danyarta  ah u naxariistaan, ayuu ILLAAHAYNA u barakaynayaa ganacsigooda iyo maalkooda.

Dhanka kale Dadkana waa inay fikiraan, oo ay dadaal muujiyaan, oo ay iyagu is kaashadaan, oo ay ku dadaalan sidii ay wax soo saar iyo ganacsiyo u sameeysan lahaayeen, si naftooda iyo dalkoodaba u horumarin lahaayeen. Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa mar uu ka hadlaayey qiimaha Nabada waxa uu yidhi "Waa muhiim iyo lama huraan inaynu wada ilaashano Nabada, maxa yeelay maanta  qiimaha ay Nabadu leedahay waxa og cida aan haysan nabadgalyada, in Qaranimada iyo  Nabadgaliyada Somaliland la wada ilaaliyo ayaa haboon, maxa yeelay dadka reer Somaliland waa mid, in wixii dhib ku haya ama dhib ku keenaya Nabadooda ay ka hortaagan, iskana qabtaan ayaa fiican, maxa yeelay waxa ka socda Wadamada weynu aragnaa, waxa aynu nahay Wadan aan wali Aqoonsi helin, in la adkeeyo Nabada iyo  inaynu danta qaranka loo  midoobo ayaa wacan". Dhanka Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo inay dhab tahay iyo in kale wax ka weydiinay wararka sheegaya inuu ololo ugu jiro doonayana inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, marka uu is casilo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo hadda ah Guddoomiyaha Wakiilada ayaa ka gaabsaday inuu arintaas ka hadlo.