Shirkadda SBI Oo Daah-furtay Sharaabka Fanta Liin Macaanta

0
580

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirkadda wadaniga ah ee SBI ayaa shalay si rasmi ah u daah-furtay sharaabka Faantada liin macaanta.

Warsaxaafadeed ay shirkadu shalay ka soo saartay magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan “SBI waxay Soo bandhigtay daah-furka Sharaabka cusub ee Faantada Liin-macaanta Taasoo ka Qabsoontay  Maanta xafiiska wayn ee shirkada.

Madaxa  Hawlgalinta shirkadda sharaabka Mustafe Cisman Geele wuxu sheegay in sharaabka loogu talo galay dhaman bulsho-weynta Reer Somaliland gaar ahaan Qaybaha kala duwan ee dhalinyarada taasoo leh dhadhan tayo leh oo dhamaan dadweynuhu ka heli-doonaan kuna raaxaysan doonaan.

Mustafe Cisman Geele waxa uu intaas raaciyay “Faantada midabaysan waxay khaas u tahay dhalinyarada waxaana la tijaabiyay lagana soo saaray natiijooyin dhinaca dhadhanka iyo tayada sharaabkan. Xaqiidii waxa nooga soo baxday Natiijooyin cajiib ah, jawabaha kala duwan ee laga helay macaamiisha wadanka oo dhan , waxanu balaadhin doonaa hormoodna ka noqon doonaa horumarinta iyo soo saaridda taanka  sharaabka noocan oo kale ah isagoo leh noocyo kale duwan”

Madaxa hawlgalintu Wuxu sheegay in faantada liin-macaanta lagu sameeyay baadhitaan balaadhan qaybaha suuqa ee sharaabka fudud taasoo la xaqiiijiyay in wakhti xaadirkan  suuqa aan laga helin oo dhalinyaradu ka haqab beelin rabitaankooda joogtada ah ee sharaabka u gaarka ah ee ay jecel yihiin balse ay SBI u diyaarisay.

Wuxu intaas raaciyay oo kale “ intaas waxa raacaysa in Shirkada SBI ay macaamiisheda isticmaasha faantada liin-macaanta ah ay diyaar ula tahay adeega sharaabka dhinac walba dookhooda nooca faanta-da ay wakhti walba jecel yihin inay macaamiishu helaan dookhooda oo ay  hogaaminayso qaybaha faantada ee shirkadu soo saarto ay ka mid tahayna faanta–staroobariga ah  iyo waliba faantada tufaaxa ka samaysan”

Maxamed  Nassir ( Madax Suuq Gaynta sharaabka Shirkada SBI) wuxu sidoo kale sheegay in faantada liin-macaanta ee cusub meel walba oo wadanka gudihiisa ah laga heli karto Caagada 300ml ah  laguna iibinayo lacag dhan 3000 SLSH oo kaliya.

Faantadan liin-macaanta ah waa nooca  sharaabka ugu horeeya ee awooda laga helo , waa nooca saddexad ee ugu wanaagsan sharaabka addunka ay soo saaraan shirkadaha Coca-cola., waxayna ku dedaalaan inay ugu adeegan macaamiisha ayagoo leh dookhyo/noocyo la kala dooran karo oo kala duwan. Waxa laga soo saara oo laga helaa 198 wadan , faantada waxa la iibiyaa 59 nooc oo kala dhadhan ah, cusbaysiinta dhadhankan cusub ee faanatada liin macaanta waxa loogu talo galay inay ka haqab beelaan dhalinyartu.”