Xildhibaan Sahal Oo Muqdisho Ugu Baaqay Inay Aqbasho Qaranimada Somaliland

0
610

 

Hargeysa ( Geeska )-Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo ah gudoomiyaha  gudi hoosaadka arimaha dibada ee golaha guurtida, ayaa xukuumada Muqdisho ugu baaqay inay ilaaliso walaaltinimada iyo wada jirka isla markaasna ay aqbasho in Somaliland iyo Somaliya ay ahaadaan laba dal oo is garab ayaal.

Xildhibaaku waxa uu sheegay in siyaasada arimaha dibada ee wakhtigan ay wanaagsan tahay loona baahan yahay in la sii tayeeyo lana, waxaanu sida oo kale dadka reer Somaliland u soo jeediyay in la ilaaliyo wada jirka iyo wada shaqaynta.

Xildhibaan Sahal waxa uu sidan ku sheegay waraysi kooban oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika. Waxaanu ugu horayntii isaga oo aan su’aalnay sida ay u arkaan siyaasada arimaha dibada ee wakhtigan dhaliilaha badan loo jeedinaayo uu yidhi“Siyaasada arimaha dibada ee Somaliland waa wax la wada og yahay shacbiga reer Somalilandna dhamaantood miis ayay ku wada fadhiyaan waxii marba jiran waa la wada arkayaa, ilaa iyo imika arinkii aynu dooranay ee ahaa in aynu la hadalno Somaliya waa uu socdaa,wax kale oo soo biirayna ma jiraan, siyaasada arimaha dibada ee Somalilandna waxyaabo badan ayay u baahan tahay oo ay ka mid yahiin in la horumariyo oo la sameeyo ictiraaf raadin, da’daalkii waa lagu jiraa oo muu midho dhalin, aniguna waxaan u arkaa inay meel fiican marayso.

Dhawaanahan waxa la hadal hayay aqoonsigan uu Maraykanku siiyay Somaliya, maadaama oo aad tahay gudoomiyaha gudi hoosaadka siyaasada dibada ee golaha guurtida idinka arinkaasu siduu idiinla yahay?

Horta ma hayno Maraykanku waxa uu joojiyay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee waa ay socdaan, Maraykankuna dawlada Somaliya hadii uu aqoonsi siiyay Somaliya horeba waa ay u jirtay waxan uu imika siiyayna xoogaa dhiiri galin ah ayuunbaan u arkaa anigu, si ay isku hanto Somaliya oo ay uga soo  baxdo xaaladii ay ku jirtay oo ay u hanato nabadgalayda dhulkeeda, markaas Muqdisho ayuunbuu dhiiri galinaayay.

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u soo bilawday anaga waxay noola muuqdaan inay meel marayeen oo dawladii hore ee Shariif ay kaga tagtay, xuumuada cusub ee Muqdishana waxay yidhaahdeen waxii hore ayaanu sii wadaynaa, cid waliban halkaas ayay arinkeed ka sheegan doontaa oo waa miis layugu tagaayo oo lagu gar naqsanaayo cid walibana waxay tabanayso iyo waxay doonayso ay ka sheeganayso, umadina ay ina dhex joogto.

Waxaan qabaana in dulmigii laga galay Hargaysa uu maanta halkaas dhigay Muqdisho, wakhtigana dantu waxay ku jirtaa in aynu ahaano laba dal uu walaalo ah oo is dhinac yaala, hadii kale ceelka ay Muqdisho ku jirto waligeed ka soo baxi mayso. Waxaan ku darayaa doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee aynu galnay ayaa xooga in carsha carsheeyay, waxaanan ku talin lahaa gacmaha halays qabsado oo haloo wada shaqeeyo sidii loo wada shaqayn jira.