Xildhibaan Rayte Oo Ka Hadlay Xadhiga Xildhibaan Dhakool

0
1257

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay ismarin waaga Xisbiyada ee salka ku haya Doorashada iyo Komishanka, waxaanu xusay inay Xisbiyadu xal iyo heshiis ka gaadhi karaan waxay isku hayaan ee looga baahan yahay inay isku tanaasulaan, oo miiska wada hadalka dib ugu soo laabtaan.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Komishanka Somaliya, oo sheegay in Somaliland Doorashooyinkooda ka qaban doonaan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Anigu Xildhibaan Rayte ahaan ma arko in muran weyn oo dhexyaala  Xisbiyada, ee waxaa la isku hayo waa wax laga wada heshiin karo, aniguna waxaan qabaa in miiska wada hadalka dib loogu soo noqdo, oo qolo waliba intii ay tanaasul samayn karto inay sameeyso, laakiin haddii aanu tanaasul iman, oo aan lagu talagalin tanaasul micno ma leh wada hadalka iyo wada fadhiisadku, markaas waa in tanaasul lagu talagalaa oo wada hadal lagu dhammeeyo wixii taagan, aragti weyn oo la isku hayo oo sas laga qabaa ma jiro, ee waa arimo farsamo oo laga wada hadli karo ee ha laga wada hadlo”

Xildhibaan Rayte oo la weydiiyay xadhiga xildhibaan Dhakool, wuxuu yidhi “Xildhibaanku dambi wuu gali kara, qof kasta oo dambi galana in sharciga la hor geeya waa arin jirta, dalkuna sharci buu leeyahay, ee haddii uu Xildhibaanku dambi galo, dariiq loo maro ayuu leeyahay, aniga waxay igu muuqata dariiqii loo mari lahaa inaan loo marin, intii Dastuurku jideeyey si ka baydhsan baa loo maray, Golaahana ay u taala wuxuu ka yeelayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here