Xildhibaan Rayte Oo Cadeeyay Inuu Raali Ka Yahay In Isbahaysigu Ku Biiraan Waddani

0
502

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa waxba jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inaanu raali ka ahayn inay Waddani isugu yimaadaan siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE.

rayte

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu raali ka yahay in raggaasi Waddani ku biiraan, isagoo sheegay inuu xataa Madaxweynaha ku soo dhawayn lahaa Waddani haddii uu ku soo biiri lahaa.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo aanu wax ka weydiinay waxa ka jira wararka sheegaya in aanu raali ka ahayn isbahaysiga Kulmiye ee ku soo waajahan Waddani ayaa ku jawaabay sidan "Isbahaysiga Kulmiye, waxa aanu isku ahaan jirnay Kulmiye, anigu Kulmiye waan ka soo baxay, Waddani ayaan ku soo biiray, Isbahaysigana waan ku soo dhaweeynayaa Waddani, warkaasna wax ka jiraa ma jiraan, xitaa Madaxweyne Siillaanyo haddii uu Kulmiye ka soo baxo oo uu Waddani ku soo biiro waan ku soo dhaweeynayaa".

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte),ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko in Madaxweynuhu isaga oo dalka ka dhoofaya aanu warbaahinta la hadli waayo ayaa  ku jawaabay "Madaxweynuhu markii horeba laba eray ayuu ku hadli jiray, haddii uu hadli lahaana labadaas eray ayuu ku hadli lahaa, wax cusubna maaha inuu hadli waayo, dhibna uma arko".

 Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay dagaalkii badda ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Jabuuti,waxaanu uu tacsi u diray Askarigii ku geeriyooday dagaalkaas, waxaanu ILLAAHAY uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, waxaanu soo jeediyay in ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland loo daryeelo sida ciidamada kale loo ilaaliyo.

sababta keenay weerarkan.

 Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa dhanka kale waxa uu Shacabka Somaliland ku guubaabyey una soo jeediyey inay amaankooda ilaashadaan, oo ciddii khatar ku haysa inay iska qabtaan, waxaanu kula taliyey inay isku duubnadaan.

Xildhibaanka, ayaa waxa kale oo uu dawladda Somaliland ugu baaqay inay wax ka qabato xuduudka Itoobiya ee xidhan, inta ay diiwaangelintu socoto.