Xildhibaan Qabile Oo Guddida Anshaxa Ugu Baaqay Inay Talaabo Ka Qaadan Maayarka Berbera

0
821

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa sheegay in Maayarka Magaalada Berbera,uu si sharci daro ah ugu ololeynayo hantidii umadda Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, waxaanu Guddida Anshaxa ugu baaqay inay hoos u eegaan oo ay talaabo cad ka qaadan.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Wasiiradda Xisbiga Kulmiye u magacaabay Ololaha Gobolada Awdal iyo Salel, ugu baaqay inay is casilaan, oo u madax banaanadan hawlahooda ololaha, madaama ay hadda hayaan hanti umadeed iyo xil qaran, waxa kale oo uu ka hadlay wareegtada Madaxweynaha iyo hantida umadda, waxaanu yidhi “Maayarka Berbera hantidii umadda, wuu ku ololaynayaa, si toosaana looga dheehanayo Degmada Sheekh iyo Berbera, Maayarka Berbera si qaawan oo sharci jabina ayuu Kulmiye  hantidii umadda ugu ololaynayaa, markaas Guddida Anshaxa ee Komishanka la shaqeeynaya waa inay waajibkooda ka gutaan, oo si dhaw ula socdaan Maayarka Berbera, oo talaabo ha ka qaadan”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey wareegtadii Madaxeynaha ayaa yidhi“Wareegtada uu Madaxweynuhu soo saaray waanu soo dhaweeynaynaa, laakiin waxaad mooda in Xisbi Kulmiye ka luqun-diimaynayo wareegtadan, oo waxay u barteen bay wali baafinayaan, haddii aan loo meel marin wareegtadani siday tahay, waxa muuqanaysa in aan diyaar loo ahayn Doorasho xor iyo xalaal ah, ee Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahay diyaar u noqda Doorasho xor ah”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey Wasiiradda ayaa yidhi “Waanu ka war haynaa oo si dhaw ayaanu ula soconaa talaabooyinkooda iyo ilaa shirarka Wasiiradda ee ilaa hadda kala go’ waayey,ee beelaysan, Wasiiradda loo magacaabay Ololaha Gobolada Awdal iyo Salel waxay muujinaysa sida Xisbiga Kulmiye uu itaalka Xukuumad ugu tiirsan yahay, khasnad labaadna ma leh, Wasiiraddu hanti umaddeed ayey hayaan, ee Wasiiradan ololaha loo magacaabay  ha is casilaan haddii ay doonayaan inay ololeeyaan”.

Xildhibaan Qabile uu ka hadlaayey hantida umadda ayaa yidhi “Ma tiro yara muwaadiinta xuquuqdooda meel lagaga dhacay, ee xaqoodii iyo hantidoodii laga qaaday, oo awood Dawladeed loo isticmaalay, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo waliba Abwaanada kale xaq-dhawr iyo ixtiraam bay inagu leeyihiin, Abwaanaduna waa birmagaydadii Somaliland, in Abwaan Axmed Saleebaan Bidde hantidiisa ama dhulkiisa lagu qabsado waa fadeexad”