Xildhibaan Nacnac Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Bogaadiyay Tanaasulkiisa Doorashada

0
449

NacnacHargeysa(Geeska)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye  (Nac Nac) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ee ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyey sida uu uga hadhay musharraxnimada xisbiga Kulmiye.

Xildhibaan Nac Nac oo qoraal uu arintaas kaga hadlayo ku faafiyey bogga uu ku leeyahay  Facebook ayaa waxa kale oo uu ka hadlay taariikhda uu leeyahay madaxweynaha Somaliland ee halgankii.

Qoraalkii uu xildhibaan Nac Nac ku faafiyey bogiisa ayaa u dhignaa sidan “Waxan halkan hambalyo uga diraya madaxweynaha gartay inu hankisa musharax nimo uga tanasulay saxibadisi iyo ardaydisi mudada dheer siyasada Ku so wada jiren waa shaqsi Ku suntan siyasada Somaliland ilaa dalki laysu odhan jiray somalia waxa uu xilal kala duwan ka so qabtay dawladdihi kala dambeyey ee ina soo maray

Waa mujahid u huray naf iyo maalba siday dadkan iyo dalkan u xorobi lahayen kana hoos bixi lahayen rajiimki kaligi taliska taa oo u ahaa gudoomiyahi ugu mudada dheera SNM duruufo badana la soo maray isaga iyo mujahidin badan kuwi dhintay alle haw naxariisto. Waa asasahi xisbiga kulmiye oo mudo dheer mucarid nimo la soo maray oo doorashodi 2003 kaga dhaqaqay wax ka yar 80 cod taas oo rag badan oo xisbiga Ku jira u cuntami wayday. Waxa uu kaga tanasulay u tudhis uu u tudhayo dalka iyo dadka taas oo lexejeclo ka haysay dalka .

Marki uu Ku guulaystay madaxtinimada dalka waxa uu so ban dhigay wax qabad iyo karti faro badan iyo shaqo dheeriya.taas oo dadku Ku diirsaden isbedelka wayn ee uu horkacayey madaxweynahu taas oo meelo badan ka muuqata xaga waxbarashada , wadooyinka, caafimadka, amniga dalka, shaqo sameynta dhalinyarada, iyo waxyabo badan oo aan qoral kaliya Ku soo koobmi Karin

Waxan Ku so gabagabayanaya tariikhada madaxweynaha laguma soo kobi karo qoral iyo maqaal kaliya ee tariikh ayada is qorta

Waxan leyahay madaxweyne tarikhda baal dahabad kaga jirta inta cimrigaga Ku hadhay alle cafimad qab hakugu gaadhsiyo Amiin Amiin