Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Waxyeeladii Roobabka

0
1104

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay roobkii ka da’ay Caasimadda, waxaanu ku baaqay in dadkaas wax loo qabto oo khasaaraha soo gaadhay lala qaybsado.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya dadka dhibaatadu ka soo gaadhay roobkii da’ay ayaa yidhi “Roobkii da’ay khasaare mood iyo noolba leh ayaa ka dhashay, dadkii ku dhintay ILLAAHAY ha u naxariisto, dad iyo qoysas badan baa khasaare iyo dhibaatooyin ka soo gaadheen roobabkii, waxaana mid ah qoysas badan oo degan Xaafada Gol-jano oo aan anigu lugahayga ugu tagay, indhahaygana waxaan ku soo arkay khasaaraha dadkaas soo gaadhay, guriyihii baa ka dumay, gogoshii, raashinkii iyo agabkii guriyaha u yaalayna daadkii baa ka qaatay, oo kala tagay, markaas waxaan Madaxweynaha leeyahay dadka dan yarta ah ee guriyihii ka dumeen yaan la daawan, ee wax ha loo qabto, khasaarihii roobka ka dhashay muu yarayn, ee waxaan Xukuumadda, dadka muxsiniinta iyo cid kasta oo wax haysta leeyahay bishii ramadaan baynu ku jirnaa ee dadkeenaas dhibtu soo gaadhay aynu wax la qabno, oo aynu wax tarno”.

Xildhibaan Nacnac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Hudheelka Hadhwanaag, khasaare ayaa ka soo gaadhay roobkii, waana muwaadin bixiya cashuurta ku waajibtay, inay Xukuumaddu soo eegto iska daa’aye xitta inuu khasaare soo gaadhay lama xusin, taasina waa ayaan daro,ta kale waxaan leeyahay dadku yaanay degin meelaha dooxayinka ah ama biyo mareenada ah , ee naftooda iyo maalkoodaba khatarta ku ah”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here