Xildhibaan Nacanac Oo Dib U Dhis Ku Sameeyay Biriish

0
653

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaa Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), lagana soo doorto gobalka Madoori-jeex ayaa balaadhin iyo dib u dhis ku sameeyay Biriish yar oo ay baabuurta iyo dadku isticmaalaan oo ku yaala xaafadaha Siinay iyo Half London dhexdooda ee degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa.

Biriishkan yar oo ahaa mid hal haad ah oo cidhiidhi ahaa, waxa uu xildhibaanku hadda u bedelay laba haad oo ay baabuurtu isku dhaafto, waxaana hore biriishkan cidhiidhiga ah uga dhacay shilal baabuur oo keenay khasaare.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala biriishkan ayaa xildhibaan Nacnac uga mahadceliyay dib u dhiska iyo balaadhinta uu ku sameeyay Biriishkaas yar, waxaanay Alle uga baryaan inuu miisaanka xasanaadka ugu daro wax qabadkaas.