Xildhibaan NAC-NAC Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweynaha Ee AWDAL Iyo Tabashada Saami-qaybsiga

0
540

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan socdaalkii Madaxweynaha ee Gobolka Awdal, waxaanu kula taliyey inuu wax ka qabato tabashooyinka jira, isla-markaana uu xogogaal u noqdo xaaladda dalka.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Madaxweynuhu wuxuu tagay Gobolka Awdal, waxaanu ka qayb-galay munaasibaddii qalan-jabinta ee Jaamacadda Camuud, dabcan wuxuu sidoo kale la kulmay madax-dhaqameedka iyo wax garadka Gobolka Awdal, runtii Madaxweynaha waan u mahadnaqayaa inuu tago Gobolka Awdal,  Madaxweynaha waxaan leeyahay waa inaad soo martaa Gobollada kala duwan ee dalka, waa inaad martaa Magaalooyinka xadka u dhaw sida Baligubadle, Salaxlay iyo Deegaanada kala duwan ee dalka, Madaxweynaha waxaan leeyahay waa inaad xog-ogaal u noqotaa xaaladaha iyo duruufaha dalka taagan, tabashooyinka jirana waa inaad xalisaa, oo aad wax ka qabataa”.

Mar uu ka hadlaayey qaranimada Somaliland ayuu yidhi “Somaliland haddii aynu nahay inaga ayaa dalkeena ilaashanayna, Waddan la yidhaahdo Soomaaliya oo hoos tagaynaana ma jiro, wakhtiga ay noqotaba dalkeena waa la aqoonsanayaa, ee inaga waxaa la inooga baahan yahay inaynu ku dedaalno sidii dalkeenu u gaadhi lahaa heer lagu aqoonsado”.

Dhanka kale,   Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) wuxuu ka digay wax kasta oo fidno iyo lid ku ah Diinta islaamka, waxaanu Dawladda kula taliyey inay talaabo ka qaado cid kasta oo dhaqan xumo wada.

Geeska.net/Hargeisa Office