Xildhibaan Mataan Oo Ka Dayriyay Xaaladda Dalku Marayo

0
598

Picture3Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Aadan  Muxumed Hoori (Mataan) , oo ka mid ah XIldhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliil u soo jeediyey Xukuumadda uu Madaxweyne Siillaanyo Hogaamiyo, waxaanu sheegay inay tahay Xukuumad iyo Maamul ay dadkii karheen.

Xildhibaan Mataan Muxumed Hoori, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa  sidoo kale talo u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxaanu kula taliyey in aanu waxba ka bedelin go’aankii ay gaadheen Komishanka iyo Saddexda XIsbi, waxaanu ugu baaqay inuu iska ilaaliyo muddo kordhin aan la isku ogeyn iyo qabyaalad, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Halka aynu Maanta marayno iyo baqdinta dadka haysa wax hore inoo soo maray maaha, ILLAAHAY ha inaga nabadgeliyo sharkeeda, waayo Maamul ay dadkii karheen oo mid yar iyo mid weynba la arkay oo qof waliba leeyahay ILLAAHAYOW waxan naga dulqaad oo haddana isku dhajinaya meeshii oo leh tagi maayo waxa ka soo socdaa waa qaraxuun haddii aanu ILLAAHAY faraj kale inooga furin.

Qoladaas meesha isku dhajinaysa waa la wada arkaaye ee kuwan Guuritda ah ee Odayaasha ah ee marka marxaladan oo kale timaado ina kala badbaadin jiray ayaad mooda inay hor boodayaan wareerka  iyo qaska, mana wada aha Guurtida oo dhan oo Rag badan oo wanaagsani Guurtida wey ku jiraan oo waxaas ka soo horjeeda laakiin Gudoonkii ayaa la yaab leh, oo Gudoonka Guurtida ayaa tafta u xaytay in Sillaanyo lagu hayo meesha , oo cid walibana aragtaa, cidina waxaas ka yeeli mayso ee inay intaas gartaan ayey ahayd, haddii Shan Sanno laga dulqaadanayey, walibana anaga ayaa haysanayna wax laga yeelayo maaha, marar ayaan is yidhaahdan go’aamadani ma heshiiska Gar-adagbaa, Saaxibkay Saleebaan oo aan aad u jeclaa, imikana aan aad u jecel ahay isaga ayaan uga naxaya in lagu shanbadeeyo talaabo qabyaaladeed, waxaana aad uga xumahay inay shanbadaasi ku dhacdo, waxaana jeclaan lahaa inuu faraha kala baxo waxaas oo dadkana uu u muujiyo in aanu ku jirin waxaas”.

Xildhibaan Mataan ayaa mar uu ka hadlaayey Guurtida yidhi “Guurtidu sida aynu moodaynay may noqon weyday, oo markii hore inay wada afduuban yihiin ayaan u haysanay, laakiin hadda waxa aan ka warhayaa  inay ku  jiraan walbiana ay badan yihiin Ragga leh khalad ayaad nagu wadaan, go’aankii ay gaadheen Xisbiyadii iyo Komishankii Doorashooyinka  Golahayga Wakiiladu intayda badan aanu ogolnahay oo aanu raacsan ahay, in wax ka duwan la soo saaro waa wax layaab leh, go’aankaas umaddii oo dhani isku raacday, ee u sacaba dumeen oo miyi iyo magaalaba laga soo dhaweeyey inay Guurtidu wax ka badasho maaha, haddii la yidhaahdo Saleebaan iyo Guurtida ayaa ka hor yimid wax ay taraysaa ma jirto, bad socotana cidi joojin kari mayso”.

Xildhibaan Mataan ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada Golaha Wakiiilada iyo Xukuumadda yidhi “Anigu Golaha Wakiilada ayaan ahay oo waan iska jeclayn in la noo kordhiyo, haddii aanu ku nabadgelayno oo ay cadaalad tahay, laakiin waxa aanu ognahay in aanay cadaalad ahayn, xilkuna waa meerto, oo in hadba cidii loo garto oo han siyaasadeed leh oo damac ka hayo xilka Xukuumadda iyo Wakiilada inay timaado weeye, aniguna Oday Xisbiga Waddani ayaan ahay, haddii aanu Waddani ahayna waxa aan taageersan ahay mawqifka uu XIsbigu ka qabo Siyaasada dalka”.