Xildhibaan Masuuliyadda Sicir Bararka Dusha Ka Saaray Ganacsatada Iyo Xawaaladaha Sarrifka Lacagaha

54
4676

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu masuuliyadda kowaad ee Sicir bararka dusha ka saaray Ganacsatada iyo Sariflayaasha, waxaanu ku taliyay in si sicir bararka iyo qiime dhaca lacagta loola dagaalamo la kordhiyo wax soo saarka gudaha lana dhiirigeiyo maalgashiga gudaha ee muwaadiniinta.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Sicir bararku waa wax jira oo aan indhaha laga qarsan karin, masuuliyadiisa had iyo jeer waxa la saara Xukuumadda, laakiin Xukuumaddu ma laha, waxay se ku yeelan karta wax yar, oo ah inta ay Dawladnimada iyo Xukuumadnimada ay masuuliyaddeedu tahay, hasa yeeshe waxa uu xilkaasi dhabarka u saaran yahay Ganacsatada iyo Xawaaladaha  Sarifka, laakiin marka hore Wadan aan Ganacsato lahayni waa Wadan aan jirin, oo marka hore Ganacsatada waan amaanaya oo sharaf bay leeyihiin, oo waa dadkii wax inoo kala waday, hasa yeeshe Ganacsatadu iyaga ayaa door weyn ka ah sicir bararka, waxyaabaha lagu yareyn karo sicir bararkana waxa ka mid ah in Ganacsatadu markay soo iibsato jimlada, oo alaabteeda jimlad ku iibiso, waa in Dekadda ku iibisa, oo Ganacsiga la kala xadeeya, oo markay iibsato Tafaariiqlaydu halkaas ka soo gurataa, laakiin se haddii Taajiirkii soo waariday uu ilaa suuqa Hargeysa, uu Baabuuro waaweyn ku soo qaado, oo uu Tafaariiqlaydii nus doolar wax ka yar uga tago, Tafariiqlaydiina wax kale ayey sameeynaysaa, waxa kale oo jira gacmaha la yidhaahdo gacan hore iyo gacan dambe, tusaale ahaan haddii aad sidato hal doolar waxa lagugu sarifayaa toban kun, laakiin haddii aad hal doolar doonayso kow iyo toban kun ayaa lagugu sarifayaa, dabcan qofka sarifayaa waa macaash doon,laakiin waxaan tilmaamayaa in sicir bararku halkaas ku jiro”.

Xildhibaan Raygal oo ka hadlaya waxyaabaha lagu xadayn karo sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararka waxa lagu xadayan karaa in wadanku wax soo saar yeesho, oo uu wax dhoofiyo, waxa ugu horeeya ee aan tilmaamayaana waa Kalluunka iyo Macdanta, waxa kale oo aynu nidhaahna maalgelinta caalamiga ah, taas gabi ahaanba anigu Xildhibaan Raygal ahaan waan ka soo hor jeeda, waayo waxa wanaagsan in maalgelinta wadaniga ah boqolkiiba sagaal iyo sagaashan la dhiirigeliyo, maalgelinta dibaddana maxaynu ka faa’iidaynaa haddii Shirkad weyn aynu keeno, oo aynu waliba nidhaahno cashuur dhaaf baanu ku sameeynaynaa, dhawr sanno, taasina waa I dhac aniga ayaa saxeexaye, Shirkadaha waaweyni waa ay ina dhacayaan, ee aynu iska ilaalino, oo kuweena wadaniga ah aynu dhiirigelino”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here