Xildhibaan Ku Taliyay In La Laalo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
517

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ku taliyey in gabi ahaanba la joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu tilmaamay in wax Somaliland uga soo kordhay aanay jirin, wax ka sii dhacay mooyee.

1

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed,ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika waxa kale oo wuu ka hadlay Garyaqaankii Somaliland ee Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliya loo magacaabay, waxaanu sheegay inuu dambi ka galay dadka iyo dadkaba, isaga oo arimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi "Kadib markii aynu dib ugala  soo noqonay Somaliya  xoriyadeenii iyo madax banaanideeni,waxa la isla gartay in Somaliya mawqif cad laga yeesho, oo wax haba yaraate ku saabsan Somaliya aan la soo hadal qaadin, Xukuumaddihii taladda dalka u kala dambeeyeyna go'aankaas ayey ka taagnayeen, laakiin Xukuumaddan ayaa dalbatay in la furo wada hadalo lala galo Somaliya, waxaana labada Gole isla garteen in la furo, laakiin marka ay Somaliya noqoto Labada Gole waxay Dastuurka ka fureen hal farqad oo qudha oo ah in Somaliya lala hadlo, ee wax kale oo ay fureen ma jiraan, ee dadka yaan lagu khaldin,maantana waxaynu maraynaa in Hawadeena lagu gorgortamo, wada hadaladaas oo marar badan la galayna wax inooga faa'iido ah iyo wax Bulshada reer Somaliland u dan ah oo ka soo baxay ma jirto,wax ka dhacay sumcadii Somaliland mooye,  ee gabi ahaanba in la joojiyo ayaan ku talinayaa".

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa mar wuu ka hadlaayey Garyaqaankii Somaliland ee xilka looga magacaabay Somaliya ayaa yidhi "Garyaqaanka guud ee Somaliland, oo ahaa masuul qaran, oo maamuus lahaa, qaranimadii iyo shacabkii Somaliland ee uu u dhaartay iyo Kitaabka ALLE ee wuu gacanta saaray been ayuu ka sheegay, oo waxa wuu la mid yahay kuwii Maxkamaddaha ka dhaaran jiray, ee beenta ku dhaaran jiray, markaas dabcan Maamulkaas Xamarna wuu u dhaartay, ee si aanay tan oo kale inoogu dhicin, oo masuul kale sidan inoogu sameeyn, waa in la xukumaa, oo ugu yaraan 20-sanno oo xadhig ah lagu xukuumaa, Masuuliyiinta Qaranka iyo shacabkana waxaan kula talinayaa in aanay talabaadan oo kale ku dhaqaaqin, oo dawladnimadooda ilaashadaan.”