Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Shacabka Uga Digay In Qabyaalad Lagu Kala Qaybiyo

0
574

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Komishanka cusub, Doorashada, xaalada nabadgalyo ee dalka, talooyina u soo jeediyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland.

Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Doorashadii ilaa hadda hawsheedii looma dhaqaaqin, Komishankii wali si rasmiya looma sameeynin, oo waa taas ilaa hadda la isku haysto, markaas si aynu uga badbaadno muran iyo khilaaf joogta ah waa in wax walba oo la isku qabto lla iskaga yimaada, oo dariiqa ugu saxsan lagu xaliya, wax walba oo la kala tabanayana waa in sifo sharciya loo mara, oo sharciga lagu saleeya”.

Mar uu ka hadlaayey xaalada nabadgalyo ee dalka ayaa yidhi “Dal curdina ayeynu nahay, inaynu muujino isku duubni iyo wada jir ayaa la inaga doonaya, balse inaynu tafaraaruq la nimaadno la inagama doonayo, markaas Shacabka waxaan leeyahay iska ilaaliya in qablyaada la idinku kala qaybiyo, ee dhammaanteen waxaynu ku wada abtirsanaa qaranimada Somaliland”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here