Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Ka Digay In Haamaha Cid Gaar Ah Lagu Wareejiyo

0
561

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Cabdi Seed oo ka mid ah XIldhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ku baaqay in Hantida Qaranka ee ay Umaddu wada leedahay shaqsiyaad aan loo xidhin.

Xildhibaan Saleebaan Cabdi Seed oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale Madaxweynaha Somaliland u diray baaq, “Dalka ma waxa saxan mise waxa khaladka ah, in wax saxan la taageero oo la ayido ayaan ku talinayaa, wixii khaldana in la hor joogsado oo aan la qaadan ayaan ku talinayaa, haddii ay Barlamaan tahay, haddii ay Xukuumad tahay iyo haddii ay dadweyne tahayba, wax badan oo khaldan ayaa jira oo aan ku wanaagsan dalka, dalkana waa dal aan aqoonsi haysan, oo burbur ka soo kabtay, waxaana loo baahan yahay in dalka uu hogaanku uu si wanaagsan u hago, Madaxweyne ayaa loo doortay, Madaxweynuhuna waa in aanu waddadiisa ka baydhin, haddii ay Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada yihiina waa in wixii xaqiiqda ah ay ka hadlaan”. Xildhibaan Saleebaan ayaa isaga oo ka hadlaya Haamaha waxa uu yidhi “Waxa la leeyahay Haamihii baa la bixiyey, waxa la leeyahay Dekada baa la bixiyey, waxaasina waa hantida ma guurtada ah ee dalku leeyahay, ee dadku wada leeyahay, waa wax ay Umaddu wada leedahay, ka takoogaga ku jira ayaa wax ku leh, wax shaqsiyaad leeyihiin maaha, wax cidi keligeed qaadan kartana maaha, waxa aan leeyahay cida leh wax baanu wareejinaynaa, wax suuroobi kara maaha, Haamaha Ingiriis baa dhisay, Mareykna baa dhisay, Ruush baa dhisay, Somaliland baa leh, haddii wax lagu shubanayana inay Somaliland ka wada dhex muuqato ayaa  wanaagsan, shaqsiyaad in la siiyo oo loo xidhana meesha ma taalo, mana suurtoobayso,anagu talo ahaan sida uu dalku ku meel marayo waa in lagu wadaa, oo Madaxweynuhu ku wadaa weeye, Golaha Wakiiladana wixii loo doortay waa inay ku shaqeeyaan”.

Xildhibaan Saleebaan ayaa mar uu ka hadlaayey awooda Madaxweynaha ayaa yidhi“Total Madaxweynaha ayaa ka qaaday Haamaha, Madaxweynuhuna awood ayuu u leeyahay, anigu ma diidi in muwaadiinin lagu wareejiyo, balse waxa haboon in Somaliland oo dhami ka wada dhex muuqato, Ninkii Markab Shidaal ahi keenaaba waa inuu ku shubtaa”.