Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Shalay Xamar Lagu Dilay

0
555

Picture3Muqdisho(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Muqdisho ee wadanka Somaliya lagu toogtay Marxuum Sheekh Aaden Maxamed Deer, oo ka mid ahaa Baarlamaanka Somaliya.

Rag hubaysan ayaa toogtay marxuumka oo ahaa gudoomiyihii guddiga maaliyadda Baarlamanka Soomaaliya, waxaana lagu toogtay goob ku dhaw gurigiisa degmada Xamar Weyne ee Muqdisho. Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay dilka marxuumkaas.

Dad goob joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in dabley ku sugaysay gurigiisa agtiisa, markii uu ka soo laabtay masjidka marwaas salaadii jimcaha kadib ay rasaas ku fureen xildhibaanka isagoo isla goobta ku geeriyooday. Dilalka Baarlamaanka Somaliya ayaa u muuqda inuu soo badanayo muddooyinkan dambe, waxaana marxuumka shalay ka horeeyay dilkii dhawaan loo gaystay marxuumad Saado Cali Warsame oo ka tirsanayd Baarlamaanka Somaliya.