“Annagu Odhan Mayno Madaxweynuhu Wuu Xanuusanayaa Ee Wasiirada Ayuun Baa Sheega”

0
662

55445Hargeysa  (Geeska)- Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa in sheegay in Xisbi ahaan aanay marnaba wax ka sheegin Caafimaadka Madaxweynaha, balse Golaha Wasiirkada ee Xukuumaddu ay mar walba ka sheekeeyaan Xanuunka Madaxweynaha, waxaanu sidoo kale sheegay inay Madaxweynaha aanu doonayn muddo kordhin in loo sameeyo, isla markaana labada Golaha ka hor sheegay, balse Golaha Wasiiradu aanay doonaynin in doorashooyin la qabto, waxaanu Wasiirada ugu baaqay in Amarka Madaxweynaha qaataan

Axmed Muumin Seed oo ka hadlay Munaasibada balaadhan oo Xisbiga Waddani u qabtay Qurba jooga taageersan Xisbigooda iyo Taageerayaal Qurbo joog ah oo ku soo biiray hadalkiisi ku bilaabay  “Runtii waxaa waayadan danbe Saxaafada si aada ugu cusub in laga sheekeeyo caafimaadka Madaxweynaha Somaliland oo waliba ay golaha Wasiiradu ka sheekeeyaan runtii ka xisbi Waddani ahaan anaga Guddoomiyahuna muu odhan aniguna maan odhan,hogaanka xisbiga,Fulinta iyo Golaha dhexe toonana kamay soo bixin in aanu Madaxweynaha Somaliland aanu caafimaadkiisa wax ka sheegnaana Xaasha ceeb weeyaan anagu odhan mayno Madaxweynuhu waxbaa uu qabaa laakiin  Golihiisa Wasiirada ayuunba sheega in uu Xanuunsanaayo,haddii uu Xanuunsanaayo ALLE SWT ha caafiyo waayo dalkaaba inaga khal khalaaya hadday caawa tiisa ay noqoto”.

Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa  isaga oo hadalkiisa  ka hadlaya yidhi “Anagu waxaanu ka Xisbi Waddani ahaan aanu qiraynaa oo aanu aamin sanahay hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland ee uu Golaha Baarlamaanka ka horsheegay  ee ahaa in aan muddo xileedkiisa hal maalin loogu darayn runtii anagu waanu rumaysanahay in Madaxweynaha dalku run sheegayo,Doorashada in uu wakhtigaas uu qabanaayo  oo aanu maalin ku darayn waanu rumaysanahay,Illaa uu isagu Istayjka soo joogsado oo uu yidhaahdo isagu hadalkii aan idhi beenbaa uu ahaayee doorashada ha lay dib dhigo illaa uu yidhaahdo waanu rumaysaynaa anagu,Golihiisa Wasiirada waxaan leeyahay oo aan odhan lahaa kulana talin lahaa in ay Madaxweynahooda ku xidhnaadaan oo ay qaataan talada Madaxweynaha”

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Xisibga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa Xukuumadda u soo jeediyey eedo aad u calculus isaga oo ku eedayey Lugsiga Hantida Dadweynaha, Siyaasad Xumo, Mususqmaasuq baahsan iyo sidoo kale inay sheegto waxqabadyadii ay hore u sameeysay Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa.”