Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Lagu Dhaawacay Weerar

0
471

Hargeysa(Geeska)-Koox hubeysan oo watay gaadhi ayaa rasaas ku furay baabuur uu la socday xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somaliya oo la yidhaahdo  Maxamad Cali Diheeye, isagoo marayay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

1

Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay xildhibaanka iyadoo labo ilaaladiisa ahna ay isla goobta ku dhinteen. Ragii weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aanay ciidamada ammaanku soo gaadhin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka xildhibaanka lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, waxa ay dhaqdhaqaaqyo milatari ka socdaan deegaano ka tirsan halka ay iska galaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, halkaasi oo ciidamada Itoobiya ay ku sii dhawaanayaan degmooyinka ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Iska hor'imaadyo goos goos ah ayaa laga soo werinayaa deegaanadaasi inkastoo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay.