Xildhibaan Ka Hadlay Codsiga Xukuumadda Ee Ah In Guurtidu Is-waafajiyo Muddo-kordhintii Wakiillada Iyo Xilliga Doorashada Loo Muddeeyay

0
655
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay muddo kordhinta ay u sameeyeen Golaha Wakiilada iyo wakhtiga uu Komishanku cayimay inay ku qabanayaan Doorashooyinka iyo Sharcigu wuxuu ka qabo, waxaanu xusay in sharcigu ogol yahay in mararka qaar la jabiyo.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo Wargeyska Geeska Afrika arintan wax ka waydiiyey ayaa ugu horeyn ku jawaabay “Anagu waanagii kordhinay, in sharci la jabiyo waa dastuuri, haddii ay ka fursan weydo, maxaa yeelay Dastuurka nin waliba wax buu ku yahay, Madaxweynuhu Dastuurku ayuu Madaxweyne ku yahay, Xisbiyadu Dastuurka ayey Xisbiyo ku yihiin, waa kii Golaha Wasiiradu lahaa Golaha Guurtidu ha nagu raaco ee bisha dambe kowdeeda ayaanu fasixii Golaha ka soo laabanaynaa, kolay anigu ka sii hor dhici maayo, ee waxaynu eegi doonaa wuxuu Golahayaga Guurtidu  go’aamiyo, arintana ka yeelo”

 

Geeska.net/Hargeisa Office