Xildhibaan Ka Hadlay 24-Ka Weriye Ee Shaqada Iyo Mushaharka Laga Joojiyay

45
2906

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay 24 saxafi oo laga joojiyay shaqadii iyo mushaharkii wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay 24 weriye ee shaqada laga joojiyey, iyo Miisaaniyadda aan ila hadda Golaha la hor keenin, waxaanu isagoo ka hadlaya xiisadda warfaafinta uu yidhi “Waxaan arkaa in khaladaadku badan yahay oo arintani u eeg tahay arin lagu deg degay, oo waxa muuqata inay kala dambayn la’aani jirto oo Weriyayaasha ka hor imanayana Wasiirkoodii oo ah Masuulkii ugu sareeyey Wasaaradda inay ka hor yimadaan oo ay wax ka sheegaan qofna ma jeclaysteen, Wasiirkana waxa la gudboonaynd inuu iskugu yeedho  inuu qanciyo, inuu mushaharka ka gooyo iyo inuu saddex bilood ganaaxana may ahayn, haddii ay kala dambayn la’aani dhacdana waa mushkilad iyo dhibaato baaxadeeda leh”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda ayaa yidhi “Xukuumadii hore ayey ahayd inay sii nidaamiso Miisaanyadda, balse wey dayaday, Xukuumaddan oo lafteedu cusub, haddana inay sii diyaariso ayey ahayd, Xukuumadda waxaanu ku nidhi marka aanu fasaxa ka soo noqo waa in aanu miiska ugu tagnaa Miisaaniyaddii idinka ah, markaas waa dhibaato dib u dhaca Miisaaniyadda ee waa in xil Xukuumaddu iska saarta”.

Xildhibaan Xuseen ayaa mar uu baaq u diyaariyey Xukuumadda ayaa yidhi “Dalka Madaxweyne ayaa ka masuul ah, isaga ayaa dadka u wada Madaxweyne ah, ee Madaxweynuhu waa inuu shacabkiisa u cadaalad sameeya, waxna ka qabtaa dhibaatooyinka dalka ka jira, sicir bararka aafada iyo dhibka ku noqtay dadkii danyarta ahaana waa inuu wax ka qabtaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here