Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan Oo Ka Hadlay Rasaas Uu Sheegay In Shalay Lagu Riday

0
628

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay inuu shalay ka badbaaday rasaas lagula beegsaday magaalada Berbera, oo uu sheegay inuu ku riday nin loo gar naqayay oo ay arrin dhul ka dhaxaysay.

Xildhibaan Jaamac, oo isagoo jooga Berbera xalay u waramay Geeska Afrika wuxuu sheegay in ninkaas meel loogu garnaqayay uu ugula soo baxay baaskoolada oo uu rasaas kula beegsaday. "Ninka meel ayaa na loogu garnaqaayey hawl ayaana naga dhaxaysay oo meel xero xoolaad ah ayaanu joognay, dee sidii aanu u joognay ayuunba uu uu baaskoolad uu gaadhigiisii kala soo dhex baxay oo uu la soo cararay ka dibna waaba uu igu soo riday, runtiina waa uu I sigay oo Illaahay ayaan maanta tayda ka dhigin, ka dibna waa uu cararay oo waa uu baxsaday, imikana illaa hadana waa lagu daba jiraa raacadadiisii sidii loo soo qaban lahaa. Magaciisana waxaa la yidhaahda Cabdi Xasan.". sidaas ayuu yidhi xildhibaanku.

Maamulka gobalka Saaxil oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin