Xildhibaan Indho-Indho Oo Soo Jeediyay In La Joojiyo Wada Hadalada Somaliland/Somaliya

0
587

Picture4Hargaysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho)oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in IGAD aanay dhex ka ahayn wada hadlada Somaliland iyo Somaliya, una jadh-jeedho dhinaca Somaliya,waxaanu sidoo kale   ka hadlay wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya Kaas oo ku sifeeyay mid gaabis baahsani ka muuqdo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo Shalay qaar ka mid ah Warbaahinta u warmaayey ayaa waxa uu  soo jeediyay in gabi ahaanba lalaalo wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya waxaanu walaac  muujiyay sida uu hada u socdo Wada hadalku,waxaanu sheegay in wixii loo baahnaa aan laga wada hadal  waxaanu yidhi  “IGAD in ay somaliland iyo Somaliya dhex aanay u noqonayn cid waliba way ogayd,waayo Nimankan IGAD la yidhaa waxa ay u shaqo tageen oo Ciidamadoodi joogaan Dalka Somaliya oo baa-baday ee la yidhaa Xamar,markaas Nimanka IGADA u shaqo tagay ee aan Somaliland usoo shaqo tagin in ay u xaqsooraan Waa habeen xalay tagay,adduunka oo dhana Lacagta ayay kaga gurtaa Shanta inan ee la baxay IGAD,Somaliland cidna kama yimadaan ciidana Kama joogaan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliyana haday maanta nabadi ka dhacdo anigu faran maayo meel ay ka shaqayn doonaan kuwan la baxay IGAD ma ogola Qaranimada iyo Jiritaanka Jamuuriyada Somaliland,waxaana ay cadaadis markasta saraan qaranimada”.

Xildhibaankan ayaa  mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Caalamku waxa uu yidhi waxaad uwada hadashaan si Laba dawladood ah,waxaanad ka wada hadashaan  masiirkiina Iyo sidii Labada Dawladood uga wada hadli lahayeen sidii ay ugu wada noolaan Lahayeen Jaar wanaag,Anigu magaranayo waxaanu kuwada hadli Doono,wixii la yidhi kawada hadla lagama Hadlo ee wax laga hadlaa hawo,Bad kaluun iyo waxaan loo jeedin.

Waxaanan anigu Odhan lahaa Shirkii Ka dhacay Maalintii dhawayd Dalka Jabuuti  ee uu yidhi Madaxwaynaha Jabuuti kawada Hadla Sidii loo Kala Guran Lahaa,anigu ka xildhibaan waxaan soo jeedin lahaa wada hadalkan aan midha dhalayn ee ku uruuray Hawo iyo Bada in iska Tanaasul,Hadii kale si wanaagsan Looga wada hadlo Arimaha Ku xidhan sidii loo Kala Go’I Lahaa.”