Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Oo Eedayn Iyo Garnaqsi Isugu Daray Madaxweyne-xigeen Saylici

0
596

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Kacaan) oo ka tirsan golaha wakiilada, kana mid ah odayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa si adag madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Saylici ugu dhaliilay shaqo ka joojin uu ku sameeyay laba xidigle Maxamed Cabdi Yoonis, oo uu ku bedelay wiil ehelkiisa ka mid ah oo isna ah laba xidigle ciidamada ka tirsan. Maxamed Cabdi Yoonis ahaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka madaxtooyada.

xil-ibrahmin-1

Xildhibaan Ibraahim, oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay inuu madaxweyne-xigeenka kula hadlay telefoon, kana codsaday inuu ka noqdo go’aanka uu shaqada kaga fadhiisiyay laba xidigle Maxamed Cabdi Yoonis ee uu ku bedelay laba xidigle kale “Madaxweyne-xigeenka habeen afraadkii ayaan la hadlay, waxaan ku idhi madaxweyne, dadkan madaxweyne ayaad u wada tahay, labada inana labadaba madaxweynaad u tahay, hadduu mid maanta meeshii fadhiyo mid kale ayaan dul keenayaa adigana sharaf kuuma aha ee waa kuu foolxumo, xisbigeenana waxbay yeeli; waxaan kaa codsanayaa inaad arrintaas ka joogsato.” ayuu yidhi xildhibaanka oo intaas raaciyay “Madaxweye-xigeenka si walba waan ula hadlay, dhan walba waxbaan ka tusay, wuu isa soo taagay waanu ku adkaystay inuu inankaas meesha ka qaado oo uu u dhiibo inankaas kale ee uu abtiga u yahay.”

Isagoo xildhibaanku hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxay noqotay meesha, meesha cidna dhaxal uma leh, qaran baynu ka tirsanahay, ciidanka madaxtooyada waxa joogay taliyayaal cid kale ah, kuwa habar awal ayaa joogay, mid jibriil abokor ah ayaa joogay, waa la bedelay, Samaroon ayaa lagu bedelay, waa la soo dhaweeyay oo cidna kamay hadal.”

Ugu dambayn isagoo la hadlaya Saylici wuxuu yidhi “Laakiin wuxuu isagu isugu dhejiyo oo wixii  meel ku dhegan ba yidhaahdo anigaa leh oo haddii aan sidaas la yeelin yeeli maayo waa u fool  xumo, annagana dhibaataa na soo gaadhaysa. markaas sidaasan ula hadlay. imikana waxaan u sheegayaa inuu arrintaas ka noqdo oo uu madaxweyne-xigeenku faraha ka qaado.”

Waa xildhibaankii labaad ee ka tirsan xisbiga KULMIYE ee si adag u dhaliila madaxweyne-xigeen Saylici. Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa isna hore arrintan darteed u cambaareeyay madaxweyne-xigeenka.