Xildhibaan Guurti Ah Oo Xisbiyada Ku Waaniyay Tartan Nadiif Ah

0
852

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guuritda, gaar ahaan Guddida Golaha Guurtida ee loo diray dhex-dhexaadinta iyo heshiisiinta labada beelood ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn,waxaanu sheegay in ilaa hadda meel wanaagsan dhex-dhexaadiintu u marayso, sida ugu dhakhsaha badan u heshiisiin doonaan labada Beelood. 

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika,ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada ay nabadgalyadu leedahay, waxaanu ku baaqay in Xisbiyadu si fiican oo nadiif ah u tartamaan, si Doorashadu u qabsoonto, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Si aad u fiican oo aad u qiimo badan baa naloo soo dhaweeyey, labada dhinacba wey noo hogaansameen, oo odayaasha iyo wax-garadba labada beeloodba, dhinac walba si gaar ah ayaanu ula kulanay, haddii Rabi yidhaahdana gacanta ayaanu isku saaraynaa, oo waanu heshiisinaynaa, dagaalka ka dhex dhacayna, inkasta oo uu khalad ahaa, oo aanay Diintu raali ka ahayn, haddana qadar buu ahaa, qadarna cidi ma baajin karto, markaas hawshaasi meel aad u fiican bay noo maraysaa”.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Wakhti kala guura ah, ayaa lagu jira, Doorasho ayaa inagu soo fool leh, ee Xisbiyadu si fiican ha u tartamaan, oo dadka yaanay kicin, oo sida sharcigu ogol yahay u tartamaan, ayaa loo baahan yahay, nabaduna waa qaali ee nabadana aynu ilaashano, Doorashada ha inoo noqoto Doorasho lagu wada qanacsan yahay, oo inoogu qabsoonta si fiican”.