Xildhibaan Guurti Ah Oo Soo Dhaweeyay Wasiirka Khaarajiga Ee La Magacaabay

21
3875

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Cali Warsame, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guuritda, ayaa ka hadlay siduu u arko isku shaandhaynta Madaxweynuhu ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo uu u magacaabay Wasiir aan ahayn Beesha Dhexe.

Xildhibaan Maxamed Wali Cali Warsame, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Wasiiradda loo kala magacaabay Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, kuwaas oo kala ah Sacad Cali Shire iyo Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweynuhu isku shandhaynta uu ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, runtii waxaan odhan karaa uu asiibay, gaar ahaan xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo in badan Beesha Dhexe ama Beesha Isaaq ahayd, Sawirkii Somaliland ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda wax badan baa iska bedelaya, mar haddii Beesha Dhexe laga qaaday, oo Madaxweynuhu Beelaha kale ee dalka  u magacaabay”

Xildhibaan Maxamed Wali Cali Warsame, mar uu ka hadlaayey Sacad Cali Shire iyo Faratoon ayaa yidhi “Sacad Cali Shire iyo Faratoon, waa laba nin oo waaweyn, oo masuuliyiin ah, wax badana ka qabanayha xilalka Wasaaraddahan loo magacaabay, ee kala ah Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, Sacad Cali Shire, oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Qorsheynta soo marayna, waxaan filayaa inuu wax badan ka qabanayo Wasaaradda Maaliyadda iyo xaaladaha dhaqaale ee dalku marayo, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), oo loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, horena u ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, horena u soo noqday Wasiirka Arrimaha Guddaha, isna waxaan filayaa inuu wax badan ka qaban doono Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ee loo magacaabay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here