Xildhibaan Guurti Ah Oo Aaminsan In Xukuumadu Isku Koobtay Hawlaha Nabadgelyo

0
547

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa sheegay in Xukuumaddu meesha ka saartay oo kaligeed isku koobtay waajibkii iyo xilkii saarnaa Guurtida ee dhinaca nabadgalyada, waxaanu xusay in meel walba oo shaqaaqo ka dhacdo oo ay Guurtidu xalisay in aanay dib u soo noqon, balse Deegaanada ay Xukuumaddu isku koobtay in shaqaaqada iyo dagaalku uu dib u soo noqday.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qiimaha ay Nabadgalyadu leedahay, waxaanu yidhi “Inkasta oo ay wanaagsan tahay in meel kasta oo dhib ama dagala ka dhacdo in Xukuumad, Guurti, Wakiilo, Xisbiyo iyo Salaadiinba aynu ka wada qayb qaadano in la tamiyo dhibaatadaas, haddana Gole Guurti ahaan arimaha nabadgalyada ayaa noo gaar ah, waxaana dhab ah in shaqooqo walba oo dhacday oo Golaha Guurtidu si toos ah u gashay, inay waajibkeedii ka gudatay, oo ay shaqooqiyiinkaas xalisay, dibna umay dhicin cid aanu nabad dhex dhignay oo aanu dhibkooda xalinay inay mar kale dagalaamaan, sababtoo ah ilaa marka ugu dambaysay ee cida dagaalku ama xurgufto dhexmartay aanu ka walaalayno ee aanu gacmaha isku saarnayo, ee aanu soo xalinayno wixii dhib ah ee kala gaadhay, kama nimaadno, balse Xukuumaddu meel kasta oo ay isku koobtay, ee ay iyadu gashay, dagaalo ayaa mar kale ka dhacay, reerihiina dib ayey isku laayeen, waxaana leeyahay Xukuumaddu inay doorkeeda ka qaadato hawlaha nabadaynta waa loo baahan yahay, balse in doorkii Guurtidu meesha ka maqnaado maaha”.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka hadlaya Nabadgalyada ayaa yidhi “Nabadgalyadu waa muhiim, ee waxaan guud ahaan Shacabka reer Somaliland leeyahay aynu wada ilaashano, oo aynu iska ilaalino wax walba oo nabadgalyadeena dhib ku keenaya, oo dagaalka dhexdeena aynu iska ilaalino, cid walba oo wax kala tabanaysana waxaan leeyahay sharciga ku kala baxa”.