Xildhibaan Golihiisa Ugu Baaqay In Aanay Ka Hadal Heshiiska Dekedda Inta La Hor Keenayo

0
642

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland  ayaa ka hadlay arinta xalka loo la yahay ee saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, waxaanu sheegay inaanay sadexda xisbi ka fiirsan go,aankii ay madaxweynaha dib ugu celiyeen arinta saami qaybsiga.

xildhibaan axmed ducaa

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika  ayaa sidoo kale  xildhibaanada wakiilada u soo jeediyey inaanay ka hadal heshiiska dekeda Berbera inta la hor keenayo.

Xildhibaan Axmede Ducaale Bulaale oo ka hadlaya arinta saami qaybsiga kuraasta wakiilada  ayaa waxa uu yidhi “Sadexda xisbi way soo saareen go,aan ay madaxweynaha dib ugu celiyeen arinta saami qaybsiga, waxa go,aankaas ku jiray qodob odhanaya madaxweynuhu go,aan haka gaadho waxaanad moodaa inaanay ka fiirsan qodobkaas waayo waa ku qasab dhamaan xisbiyada inay qaataan go,aanka madaxweynuhu ka soo saaro saami qaybsiga go,aankaasi sida uu doonaba ha ahaadee laakiin madaxweynaha waanu ku kalsoonahay waxaanan filayaa inuu soo saaro go,aan ay ku wada farxaan dhamaan shacabka somaliland.”

Sidoo kale xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale ayaa mudanayaasha golaha wakiilada u soo jeediyey inaanay ka hadal heshiiska dekeda inta golaha la horkeenayo waxanu yidhi “ Wali heshiiska Dekeda Berbera xukuumadu golaha may horkeenin mana wacna inay xildhibaanadu ka sii hadlaan  ama ay wax ka yidhaahdaan  ama ay dhaliilaan iyada oo aan wali la hor keenin oo aan loo gudbin golaha wakiilada, marka la soo gudbiyo ayaa wax laga odhan karaa.”