Xildhibaan Gaane Oo Xukuumadii Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Dalka Gaadhsiisay Dhaawac Hagar-Daamo Ah

39
3138

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida ilaalinta Deegaanka iyo Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa tilmaamay in Xukuumaddii hore ee Somaliland ee Axmed Siillaanyo Madaxweynaha ka ahaa inay Somaliland soo gaadhsiiyey dhaawac hagardaamo siyaasadeed oo dhinaca Arrimaha Dibadda.

Guddoomiyaha Guddida ilaalinta Deegaanka iyo Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, Xisbiyada, Golayaasha iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya wada hadalada “Xukuumaddii UDUB,markii ay taladda dalka haysay, Somaliland sumcad iyo sharaf bay ku lahayd Caalamka, gaar ahaan Wadamada Afirka, oo ay xidhiidh qoto dheer la lahayd, Ictiraafkuna wax yar baa inooga hadhsanaa, balse sharaftii iyo sumcadii ay Somaliland ku lahayd Caalamka, Xukuumaddii Axmed Siillaanyo ayaa hagardaamooyin  iyo dhaawacyo siyaasadeed  soo gaadhsiiyey, sababtoo ah markii wada hadalada la furayey, Golayaasha ayey laga ansixiyey, sababta ay Golayaashu wada hadalada u ogoladeen in la furana waxay ahayd in Somaliland iyo Somaliya kala baxaan, oo Somaliland Caalamka ku qanciso dawladnimadeeda, balse Xukuumaddii Axmed Siillaanyo marnaba Somaliya kalamay hadal masiirka umadda, ee dano gaar ah oo aan danta qaranka ahayn ayey kala hadli jirtay,wada hadaladaasina dib u dhac iyo sharaf dhac bay inoo soo jiideen”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey go’aanka Madaxweynaha ee wada hadalada Somaliya ayaa yidhi “Marka hore wada hadalada waxaa furay waa Xukuumaddii Kulmiye, mar haddii la furayna waxay ahayd inuu Madaxweynuhu meel kale uga wareego, balse inuu go’aan deg deg ah ka qaato may ahayn wada hadalada Somaliya, runtiina waxaa maanta muuqata in Dawladda Somaliya ka talisaa inay Somaliland albaab walba ka soo xidhay, oo aynu rajo beel ka taagan nahay Siyaasadii Arrimaha Dibadda, xilli uu is bedelo ka socdaan Wamada Geeska Afrika, oo aynu ka mid nahay, waxaana loo baahnaa inaynu is bedeladaas kaalinteena ka qaadano, wax se muuqata inaynaan saaxada Geeska Afrika aynaan ka muuqan, Madaxweynahana talaabada maanta la gudboon waa inuu wada tashi la yeesho Axsaabta, Golayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanada dalka, si isku aragti laga noqdo Arrimaha Somaliya, balse maanta inagii baa kala socona, oo Faysal Cali Waraabena aragtidiisu ka hadlay, Muuse Biixina aragtidiisa ayuu ka hadlay, ee Aragti midaysan oo loo dhan yahay Somaliya aynu ka yeelano”

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Madaxweynuhu wuxuu yidhi Doorashadu wakhtigeedii ayey ku dhacaysa, iyada oo ilaa hadda aan lagu heshiin waxyaabo badan oo ku xidhan qabsoomida Doorashada, ee bal aynu eegno haddii ALLE yidhaah inay Doorashadu ku dhacdo wakhtigu Madaxweynuhu sheegay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here