Xildhibaan Doonayey Inuu Su’aalo Waydiiyo Madaxweynaha Oo Loo Diiday Inuu Galo Xarunta Baarlamaanka

0
622

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-xoog), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay khudbad sannadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi shalay ka jeediyey labada Gole,  waxaanu sheegay inay khalad iyo sharci daro ahayd in Golayaasha Sharcidejinta loo diido inay Madaxweynaha su’aalo ka weydiiyaan xaaladda dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-xoog), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadu shalay ka hor istaageen inuu Golaha soo galo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Madaxweynaha maadaama uu jeedinayo khudbad sannadeedkiisii, kana hor jeedinaayo Labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtida, kana xog-warramayo xaaladda uu dalku marayo, sharciyan xaq baanu u leenahay in aanu su’aalo weydiinayo, oo Madaxweynaha la xisaabtano, waana sharci-daro in la diido su’aalaha Madaxweynaha aanu weydiinayno, Daahir Rayaale wuxuu u badheedhi jiray in aanu su’aalo ka weydiinayo xaaladda dalka, laakiin Xukuumaddaha kulmiye ee talada dalka u kala dambeeyey in lala xisaabtamo, oo xaaladda dalka wax laga weydiiyo way diideen, waxaa looga baqayo su’aalahana garan mayno, ee Daahir Rayaale sharciga u ogolaaday in aanu su’aalo weydiinay, Muuse Biixi iyo Axmed Siillaanyana sharciga naga hor istaagay maan garan, laakiin waxaa cad in Xukuumadda Kulmiye ay dhaqan ka dhigatay inay sharciga baalmarto, oo ay diidan tahay in lala xisaabtamo, oo danta qaranka lagula xisaabtamo”.

Mar aanu wax ka weydiinay sababta ka baajisay inuu shalay Golaha iman waayo ayaa yidhi “Waan imid Golaha, waanu xidhnaa, oo Golaha albaabka ayaa u xidhnaa,  Golahana waxaan imid khudbadda oo socota, in aan soo galana Ciidamo ayaa iga hor istaagay, kadibna iskumaan sii adkayn ee waan iskaga tagay”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office