Xildhibaan Dhaliilay Siyaasada Arrimaha Dibadda Somaliland

0
518

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay heerka ay marayso siyaasada arimaha dibada somaliland.

wwww

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa isbar bardhig ku sameeyey siyaasada arimaha dibada ee xukuumadii Daahir Rayaale iyo xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ka hadlay heshiiska dekeda Berbera.

Xildhibaan Maxamed Saalax oo ka hadlaya heshiiska dekeda ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumadu waxay meel walba ka sheegtaa oo ay warbaahinta kaga hadlaysaa inay golaha horkeenayso heshiis dhamaystiran oo kii dekeda ah, anagana mawqifkayagu waa in heshiis dhamaystiran la keeno, haddii uu qabyo yahayna shaqo kuma lihin, golaha wakiiladuna heshiis dhamaystiran ayuunbuu ansixiyaa, haddii uu heshiiskaasina dhab yahay golaha hala horkeeno.” Sidoo kale waxa uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo xusuusiyey in dhaliilihii ay u jeedin jireen xukuumadii hore ay ka mid ahayd heshiisyo aan golaha wakiilada la hor gayn waxaanu mar kale yidhi “Xukuumadani markii ay mucaaridka ahayd waxay xukuumadii hore ku dhalili jirtay heshiisyada oo aan golaha wakiilada la hor keenin, maantana xukuumadan ayaa ka daran sababtoo ah xukuumadii hore kumay dhiiran jirin inay tidhaahdo golaha wakiiladu awood uma laha in la hor geeyo heshiisyada caalamiga ah balse xukuumadan ayey wasiiradeedii la soo taagan yihiin golaha wakiiladu xaq uma laha in heshiisyada la horgeeyo, warbaahintana way ka yidhaahdaan, shirarna way ka yidhaahdeen, xukuumadana ilaa hada heshiis caalamiya oo ay golaha wakiiladay keentay ma jiro.” Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Saalax oo ka hadlay siyaasada arimaha dibada somaliland ayaa is barbar dhig ku sameeyey siyaasadaha xukuumadii hore iyo xukuumada haatan waxaanu yidhi “Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale waxay furfurtay siyaasadii arimaha dibada , waxaanay xidhiidho la yeelatay wadamada caalamka gaar ahaan waxay xooga saartay wadamada Afrika oo ay xidhiidh dheer la yeelatay, qadiyada somaliland-na way faafisay waanay balaadhisay, balse xukuumadni siyaasadii arimaha dibada way soo xidh xidhay  wadamo badan oo somaliland xidhiidh wanaagsan la lahaana meesha way ka baxeen, si kastana xukuumadii hore ayaa dhinaca siyaasada arimaha dibada kaga wanaagsanayd xukuumadan hada talinaysa.” Xildhibaan Maxamed Salaax mar uu ka hadlaayey Shirweynaha Waddani ayaa waxa uu  yidhi ““Shirweynaha Waddani haddii ALLE yidhaahdo waxaan ku rajo weynahay inuu ku dhaco si wanaagsan, oo cadaalad ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabaa in sida ugu quruxda badan uguna wacan uu Shirweynaha Xisbiga Waddani noogu dhacayo”.